Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 9 September 2010 0:30
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 BAYAAN: Bayaan Ay Soo Saartay Jaaliyada Absame Ee Koonfur Afrika

BAYAAN: BAYAAN AY SOO SAARTAY JAALIYADDA ABSAME EE KOONFUR AFRIKA.

Thursday, 24 November 2005.

Ayadoo lala wada socdo dhibaatada dhabta ah ee ka jirta gobolka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya gumaysato (Ogaden/Soomali-galbeed), balse adduunku uu indhaha ka qarsanayo, ayaa haddana waxaa maalmahan danbe soo ban-baxay in ciidamada gumaysigu ay ku wadaan xasuuq arxan la'aan ah ummadda ku dhaqan gobokaas, dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ummadda gobolkaas ku reebtay raad aan marnaba go'aynin, ayaa waxay kala ahaayeen dilkii waxashnimada ahaa ee loo gaystay maxaabiistii ku xidh-xidhnayd xabsiga Qabri-Dahare 15/11/2005, kuwaasoo si ula kac ah loo laayay, falkaasoo weliba cadaynaya xad-gudubka joogtada ah ee gumaystuhu kula kaco ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas, waxaa taa soo raacay, naxdintii murugada lahayd ee gubista tuulada Fool-Jeex 21/11/2005 ee lagu waayay in ka badan 45guri iyo dalagii soo baxay ee lagu uruuriyay tuuladaa, taasoo dhinaca Bari ka xigta magaalada Q/dahare ayay taasi waxay ku tusinaysaa sida waxshinimada ah ee ay ciidamada gumaystuhu ula dhaqmayaan shacbiga degan gobolka.

Sidaa daraadeed waxay Jaaliayaddu Ilaaheey uga baryaysaa in uu Alle u naxariisto dhamaan dadkii ku geeriyooday xasuuqyadii kala duwana iyo gaar ahaan kuwoodii ugu danbeeyayba, Allena uu sabar iyo iimaan ka siiyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladoodii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeenba.

Haddaba

Ayadoo og Jaaliayaddu dhibka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee degan gobolka.
Ayadoo og Jaaliyaddu in ay tanina ka mid tahay qaababka uu gumaysigu adeegsado isagoo ku wiiqaya shucuubta uu gumaysto.
Ayadoo og Jaaliyaddu in gumaystuhu uusan wax raali gelin ah ka bixinin falalkiisii gumaadka ku salaysnaa.
Ayadoo og Jaaliyaddu in xukuumad goboleedku aysan wax talaabo ah ka qaadin ilaa iyo hadda dhacdooyinkaas asal goynta ku salaysan iyo sal kicintaba.

Ayay Jaaliyaddu waxay talooyinka hoos ku qoran u soo jeedinaysaa ummadda Soomaaliyeed ee gumaystuhu ku amar ku taaglaynaayo guud ahaan gobolka Qoraxeey, gaar ahaanna magaalada Qabri-dahare iyo tuulooyinka ku dhow dhow sida degaanka Fool-Jeex.

1. in ay ku dadaalaan cabsida Eebbe isagana ku xidhnaadaan. 2. in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, gaar ahaan deegaanka ay waxyeelada ba'ani hadda soo gaadheen ay isku dardaarmaan sidii ay ugu nagaan lahaayeen goobahooda iyaguna isugu tashan lahaayeen, isla markaana ay dib u dhistaan guryihii laga gubay, koleey ku tahay in ay balbalo ka taagtaan oo ay cadceeda ka galaan, taasina waxay ka tarjumaysaa sida dhabta ah ee ay dadku ugu diyaarka yihiin in dhulkooda ku gaajoodaan doog iyo diraacba.

3. in ay gacmaha is qabsadaan kuna dadaalaan midnimada meel kastooy joogaan, ayagoo u doodaya xuquuqdooda bini'aadinimo iyo tooda aasaasiga ahba. 4. in ay ku dadaalaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dhibaatadooda, ururada u dooda xuquuqaha dadyawga tabaalaysan ee la gumaysto, iyo waliba inay gudbiyaan hadal midaysan, kolka ay u yimaadaan ururada hawlahaasoo kale ku jidha.

Haddaba waxay Jaaliyadda Absame ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika ku dhiiri-gelinaysaa, dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasa oo ka joogo adduunka in uu cambaareyn u soo jeediyo falalka foolxumada ah ee lagula dhaqmayo shacabka Soomaali Galbeed, gaar ahaan waxay Jaaliyaddu u soo jeedinaysaa Jaaliyadaha Soomaali Galbeed iyo kuwa Absameba ee ku dhaqan wadanka dibadiisa iyo gudahiisaba, inay iyaguna si hagar la'aan ah ugu soo jeedinyaan cambaareeyn kulul gumaystaha fashiistiga ah.

Ugu danbayn waxay Jaaliyadu ka codsanaysaa ururada iyo dadka samafalka jecelba in ay gar-gaar deg-deg ah la gaadhaan goobahaas ay wax-yeelada ba'an ee mood iyo maalba lahi ay soo gaadhsiiyeen ciidamada gumaystaha.

Wuxuu ka soo baxay
Xafiiska Arimaha Xidhiidhka Dibadda ee Jaaliyadda Absame.
Koonfur Afrika.
absameilink@yahoo.com

Publish Date: 11/25/2005
Last Updated: 12/1/2005
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
Bayaan Ay Soo Saareen Gudiga Golaha Deegaanka Gaalkacyo Ee Beelaha Leelkase...
Warsaxaafadeed: Ogaden Community Assosiation in Finlad O.C.A
BAYAAN: Bayaan Ay Soo Saartay Jaaliyada Absame Ee Koonfur Afrika
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Celqooxle.com
Makhtal.org
Codkawaamo.com
Qaranimo.com
Somalibooks.org
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Qabridahare.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Somaligalbed.com
Somaliherald.com
Somalistate/Ogaden
Somalitribune.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Xaajo.com
Wargaysyada Afrika
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital