Qormo gaar ah iyo Xasan Kismaayo
Dadaal dheer ka dib wuxuu madaxwayne Culusow ku guulaystay in uu hirgaliyo ballantii uu u qaaday walaalaha Galgaduud. Ballantaasoo ahayd in laga hortago maamul cadaalad ku dhisan oo ka hirgala gobolada Jubooyinka iyo Gedo hormuudna u yihiin beesha Absame.
Waxaan maqli jiray howraar oronaysa ` intaad qalaysay waan qaybinayay’. Inta reer Jubaland ay isku mashquulsanaayeen, mid midka kale iska riix lahaa, waad arkaysaan shaxda la idinla cayaaray. Waxaad ogaataan in ay tahay Ethiopia waxa ka dambaysa arinkan cusub ka dib booqashadii Xasan Culusoow todobaadkii la soo dhaafay.
Axmadoow Gaandi u dhaaf, Gaandiyow Axmad u dhaaf iwm mirahooda waad aragtaan walina fari kama qodna iska daba wareegiinu. Wareegii hore waxay guushu raacday Dooxada Jubba iyo damaaciga reer Muqdisho ee ku salaysan gumaysiga cusub( Neo-colonialism) .
Kenya ama waa la iska kiin horkeenayaa idinkoo tag-taagan amaba way baxaysaa maadaama cadaadisyo badan la saaray, iyo waliba barnaamij dad wax qarxiya ay fulinayaan oo sida dad badan aaminsan yahay inta badan xamar laga fund gareeyo safaarada Soomaalida Nairobi-na laga agaasimo.
Adeerayaal Jubaland Mareexaan ku jiro inaan wanaag laga gaaraynin nin waliba halkiisuu ku ogyahay. Hadana Culusow baaba IGAD madax looga dhigay waxaana u matalaya xubno uu asagu soo magacaabay.
22 sano hadaad wax ku qaadan waydeen oo wali sii wadaan kala daadsanaantii iyo is jiid-jiidkii la idinku bartay, wallaahi waa arin laga xumaado, hase yeeshee wali rajo ayaa jirta waxaa la idiinka baahan yahay inaad si dhakhsiiyo ah wax uga badashaan hab dhaqankiina siyaasadeed, oo la timaadaan nidaam ka hortaga siyaasada Culusoow iyo Dooxada Jubba` War idinkaa dalkaba lehe dowlad maad u noqotaan, illeen doqoni calaf ma leh dulbaax maxaa ka baylahay’.
Xasan Kismaayo.
hassank@hotmail.com
Publish Date: 12/10/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|