Warar hoose oo ay SWN heshay ayaa sheegaya in madaxwaynaha federaalka Soomaaliya Xasan Xoogsade oo ku howlan yahay sidii uu Kismaayo gacanta ugu dhigi lahaa. Madaxwayne Xoogsade ayaa isticmaalaya qaabab fara badan oo kala duwan oo marba mid la tijaabinayo bal in ay shaqayso iyo in kale.
Dagaalkan iyo diidmada maamul ka hanaqaada Jubooyinka iyo Gedo ma aha mid ku kooban madaxwaynaha hadda talada haya balse waa dhaxal Sheekh Shariif ka dardaarmay soona bilowday xilli hore.
Waxaa la iswaydiinayaa su’aasha ah dowladdu shaqo aan Jubooyinka ahayn malaha miyaa? Idaacad kasta, qof kasta, tv-kasta maxaa ku mashquuliyay Kismaayo? Maxaa ka maqan Indhacade, Goobaale iyo kuwa lamidka ah. Waxaan maqli jiray waraabe la tagidda bartay, ka rididda ceeb buu moodaa.
Xasan Xoogsade Itoobiya wuxuu u tagay arinta Kismaayo, wuxuu u ogolaaday inay dalka Soomaaliya ciidamadeedu tagi karaan meel kasta iyo goor kasta oo ay ugu horayso Kismaayo. Waxaa la oron karaa Kismaayo daraadeed Itoobiya ayuu uga wali yeelay Soomaaliya, laakiin su’aashu waxay tahay Itoobiya Xasan Xoogsade ma uga baahan tahay ogolaansho ciidda Soomaaliya? Jawaabtu waa maya.
Wuxuu iclaamiyay dagaalka dhan ah Kenya, waxay wararka qaar sheegayaan inuu jiro xiriir qarsoodi ah oo Xasan Xoogsade la wadaago xubno ka tirsan Al-Shabaab sidii ay Jubooyinka culays usii saari lahaayeen, taasina waxaa u daliil ah madaxwaynaha oo aan ka hadlin sheegashada Shabaabka ay ku sheeganayaan in Kenya qaadatay Jubooyinka oo xitaa aan dowladda Soomaaliya lagala tashanayn. Arintani waxay dhacday marar dhowr ah: madaxwayne Xoogsade marna kama hadlin, taasoo lagu fasiri karo wax uu rabay oo loo yiri.
Muqdisho waxaa yaalla isbaarooyin lagu qiyaaso ilaa 300, oo dhamaantood dadka lacago lagaga qaado, waxaa ugu yaab badan in midi ku toosan tahay iridda wayn ee Villa Soomaaliya. Mooryaanta ayaa la sheegay in marka ay ay arkaan teknikada Ugandis-ka ee waardiyaynaya Xoogsade ay ka gabadaan, marka ay gudbaanna dhigtaan isbaaradooda madaxwaynuhuna uu ka warhayo. Waa yaabka yaabkiiye isbaaralaydu waxay ka tirsan yihiin askarta dowlada.
Wariyaha noo jooga Muqdishu wuxuu noo xaqiijiyay inuu jiro guri kamid ah guryaha shacabka ee xoogga lagu haysto, gurigaasoo daraadiis loo dilay dad gaaraya 13 qof. Dadka ayaa siyaabo kala duwan loo dilay, qaar guriga ayay tageen oo lagu dilay, qaarna mooryaanta ayaa ka war heshay imaatinkooda kuna dishay xaafado ka mid ah Xamar.
Xoogsade Muqdisho ayaa uga awaliyaysan Kismaayo, bal horta ayada meel ha saaro amnigeeda. Kismaayo dadkii lahaa ayaa haysta una tashan waxayna raacayaan nidaamka federaalka Soomaali ku heshiisay Jaalle madaxwayne ha ku soo xadgudbin ` stay where you are’.
Xasan Xoogsade ha ogsoonaado inuusan ahayn madaxwayne shacabku soo doortay balse uu yahay madaxwayne ku yimid afar qabiilo iyo barkii dulmiga ahaa ee uu ismaaciil Cumar Geelle u soo yagleelay ilma adeeradiis si loo ihaaneeyo qaybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo ay kuwa jubooyinku ugu horeeyaan.
Xasan Kismaayo.
hassank@hotmail.com
Publish Date: 12/1/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|