Siyaasiyiin, aqoonyahanno, culima-awdiin iyo indheergarad Soomaaliyeed ayaa qaba in aanay Muqdisho sii ahaan karin caasimadda Soomaaliya. Waxaana sabab looga dhigay nabadgalya darrida ka jirta iyo sida aan la iskugu hallayn karin.
Umadda Soomaaliyeed waxay ka dharagsan tahay wacyiga dadka reer Muqdisho, waxay ka rajo dhigeen soo noqoshada nolol caadi ah iyo darisnimo lala wadaago beesha Hawiye ee Xamar ka talisa. Waxaa si ba’an u gacan galay dadyowga laga tira badan yahay oo loo bixiyay « looma ooyaanka» .
Dad badan ayaa aaminsan in ay kismaayo qaadato caasimadda maadaama ay noqotay magaalo ay ka jirto amni la isku hallayn. Waxaa la filayaa in si toos ah loo billaabo wada tashi ku saabsan arinta caasimadda ka dib marka la magacaabo maamulka Jubbaland State of Somalia.
Waxaa xusid mudan in Kismaayo ay awalba ahayd caasimadda saddexaad ee Soomaaliya hadana tahay magaalo noqon karta caasimadda koowaad ee dalka,ka dib markay muqdisho ku fashilantay sii ahaanshaha caasimada.
Publish Date: 11/12/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|