Baryahan waxaa hadal haynteeda badatay magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba Jubooyinka, inta badanna buuqa wuxuu ka soo yeeraa magaalada caasimada ah Muqdisho. Magaalada Kismaayo waxaa laga saaray Alshabaab mana jirin waxa hadal hayay ama dhalliilayay markii ay joogeen.
Dheeshu waxay hal mar qura isbadashay markii laga qabtay Shabaabka Kismaayo, waxaa soo baxay arrimo qarsoonaa oo ah in meesha howlo kale ka socdeen. Dhamaanba qaybaha kala duwan ee media-yaha sida idaacadaha, tv-yada,website-yada, aaladda fadhi ku dirirka ee loo yaqaan paltalk-ga, iwm ayaa halmar isla dhawaaqay,ayadoo bartilmaameed laga dhigtay ciidamada isgarabsanaya ee magaalada qabtay iyo beel ka mid ah beelaha gobolka daga.
Waxyaabaha dacaayadaha ah ee la qoray ama la sheegay waxaa ka mid ah waxaa qabsaday Kismaayo dad qaxootinimo lagu keenay Soomaaliya waqtigii dadgaalkii Ogaden(Ogaden war) 1977. Su’aashu waxay tahay ` oo haddii Absame qaxooti yahay,maxaa xaq u siiyay inay Soomaaliya ku yeeshaan in ka badan 11 xildhibaan ka hor inta aan kacaankuba la wareegin talada dalka’?
Yuu ahaa Cabdiraxmaan Mursal Cumar, halyaygii kula dagaalay ingiriiska Jubaland ee dilay Eliott Franciss iyo boqolaal ka tirsanaa askartii ingiriiska? Yuu ahaa Cumar Magan-kii ay ciidamadiisu kula dagaalameen Jubaland kuna dileen Arther Jenner iyo askar kale oo tiro badan? Yuuse ahaa ina Cabdille Xasan-kii 21 sano kula dagaalamayay dhamaanba gumaystayaashii ku soo duulay dalka Soomaalia.
Waxaan u malayn jawaabta way iska caddahay,murana kama taagna cidda ay ahaayeen, balse arintu waa waxaad ogtahay ma kuu sheegaa.
Reer Muqdishu maxaa laga gudboon?
Reer Muqdisho oo uu ugu horeeyo madaxwayne Xasan Culusoow waxaa looga baahan yahay inta aysan wax kalaba isku mashquulin inay guryahooda soo hagaajistaan, nabad ku soo dabaalaan, caddaalad ka sameeyaan, maamulka caasimada Soomaalidu wadaagto illeen Xamar waa caasimadii dalkee. Guryaha,hantida iyo beeraha dadka laga haysto laceliyaa shuruud la’aan.
Muqdisho markay hagaagto ka dib ayaa Soomaaliya inteeda kalana hagaagaysaa. Maya hanqal taag dambe, maya bililiqo dambe, maya boob dambe, maya aan xoog kugu haysto dambe.
Reer Jubaland Maxaa la gudboon?.
Reer Jubaland waa inayan dhag jalaq u siin hadal ka soo yeeray nin guri dad leeyahay xoog ku haysta, hanti bililiqo ahna ku nool. Waa inay dhamaystiraan maamulka gobolka Jubaland, cadaaladana ku dadaalaan, cid kastaana ay hesho xaqeedii. Waa inaan mar dambe la qaabilin wafti ku sheeg bililiqo loo soo dirsaday doonayana in dhaqaalaha Jubaland Muqdisho loo qaado.
Soomaali waxa ay sugtaaba waa Muqdisho iyo dadkeeda sida ay wax yeelaan!!!!!!!! .
Xasan Kismaayo.
hassank@hotmail.com
Publish Date: 11/6/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|