Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 21 October 2014 8:5
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Sports/Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Suugaanta Abwaan: Cabdi Ibrahim Magan (Ciriir)
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Jubaland State
Jubaland State
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 Weerarka Muqdisho iyo War la’aanta Jubooyinka iyo Gedo 31/10/2012

Muddo ku dhow-dhow 22 sano Soomaaliya waxaa ka taagnaa dagaal Sokeeye, bililiqo iyo waliba ururo mudnaan ku raadinaya gumaadkii shacabka. Dhibaatada dalka ka jirta kolba heer bay soo taagnayd, ka sokow duulaamada isir gumaadka ah ee lagu qaaday qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed laguna laayay kumanaan, in badana la barakiciyay hantidoodina la qaatay, waxaa ayadana timid in qaab beeleed loo qaybsaday kaabayaashii dhaqaalaha.

Waxaa la dhoofsaday taalooyinkii astaanta u ahaa halyeeyadii wadanka u soo halgamay sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Axmad Guray, Xaawa Taako, SYL, iwm. Waxaa la dagay dhamaanba dhismayaashii iyo xafiisyadii qaranka, waxaa lala wareegay guryihii, beerihii iyo hantidii dadku lahaa.

Dhammaanba madaxwaynayaashii wadanku soo maray waqtigii burburka waxay ahaayeen mid mooyee kuwo ka soo jeeda hal beel. Ujeedada ka dambaysana waxay ahayd bal in beeshatan lagu lagu sasabo xafiiska ugu sareeya dalka si uu xal u yimaado- waxaa la isku afgartay in xal la doono ee aan xaq la doonin .

Hadaba su’aashu waxay tahay Beeshii ugu tunka waynayd beelaha, gacantoodana uu ku dhacay hubkii ugu badnaa ee dowladii militariga ahayd xaggay Soomaali gaysay? Waxay dalka u horseedeen hoog iyo halaag.

Xamar oo mar ahayd caasimadii qaranka ayaa hadda noqotay godad dadka lagu qasho, dadka ayaa maalin cad lagu afduubtaa, waxaa la daydayaa, la dilaa dadka guryahooda la haysto haday Muqdisho-ba cag soo saaraan. War yaa caasimad ka dhigan kara magaalo noocaas ah? Yaase wax la wadaagi kara dad noocaas ah? Jawaabtu waa ninna.

Waxaan maqli jiray xigmad oronaysa ‘necessity is the mother of invention` oo la micno ah daruufta adagi waa hooyada isbadalka. Marka laga soo tago Somaliland oo sheegatay gooni isu taag, waxaa isku tashi goboleed samaysatay Puntland, dadaal bandanna u gashay in wadanku yeesho maamul goboleedyo ku dhaqma habka federalism-ka oo markaas la isugi yimaado maamul dhexe.

Dhaxalka ugu wanaagsan ee laga dhaxlay Allaha u naxariistee Madaxwayne Cabdullaahi Yusuf ayaa lagu tilmaami karaa nidaamka Federalka ah ee maanta ka curtay dalka Soomaaliya.

Maxay tahay ujeedada ka dambaysa in federal la qaato? Ujeedadu waa in laga badbaado dhibaatada ay abuurayaan dad aan dowlad rabin, kala dambayn rabin, doonaya in lagu sii jiro fowdada si aan loola xisaabtamin. Dad doonaya inay maalinba meel nabada ku duulaan soona bililiqaystaan. Ganacsato xaaraan ku naax ah iyo kuwo lagu sheego odayaal dhaqameed oo qaarkood guryo dad leeyahay daggan.

Dagaal ka dhan ah Jubaland.

Madaxwaynaha Soomaaliya, beeshiisa iyo Jawaarey oo ay baryahan olog noqdeen ayaa si cad isu hor istaagay maamulka loo yagleelayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Maxay tahay sababtu? Waxay sheegaysaa xog-hoose oo aan helnay inay madaxwaynaha beeshiisu uga digtay inuusan ogolaanin wax la yiraahdo Jubaland State oo haday hirgasho khatar ku ah danaha beeshooda. Xasan Garguurte wuu qaatay taladii gurracnayd ee ay adeeradii u soo jeediyeen.

Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa waxaa u goodiyay nin la oron jiray ina Cali Shire, markii uu maqlay ayuu biciidsaday hanjabaadda ninkaas markaasuu yiri:

Ina Caliga dhaaranahayaa dhoohanoow falane.

Hadalkiisa dhiicada leh buu nagu dhaleecayne.

Dhoodkiisa iyo faanku waa dhuusa tuug ridaye.

Ninbaa hadda ka hor waxaa laga sheegay Hadal nin hoos iigu dhiga oon halaagmin hor loo waa.

IGAD-da taangiga ku waardiyaysa Garguurte ee isaga ka ilaalinaysa kuwii ay ehel ahaan dad isugu xigeen, shaqada geysa kana soo celisa, isla IGAD-dii umbaa Jubaland-na joogta, kuna garab istaagtay ciidamadii deegaanka u dhashay xoraynta gobolkooda, meesha shacabka Xamar ay taageerayeen argagixisadii ku soo duushay Jubaland. Dastuurkayna ku caddahay in ay maamul goboleed dhisan karaan laba gobol iyo wixii ka badan, howsha maamul u dhisiddana ay u taallo dadka deegaanka oo taas cidna marti loogama aha.

Xasanoow tani kuu socon maysee, mooryaanta dabada kaa soo riixaysa meel kale wax uga gacma gacmee. Jawaareyna waxaan leeyahay hadaadan feejignaan markaagay ku heli.Saacid-na waxaa leeyahay ha noqon markhaati beenaalihii labada dhanba laga ogaa.

Oore Dooyle.

Doy2012@hotmail.com

Publish Date: 10/31/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
My 918 days in Al-Shabaab cells and the unending trauma after. 27/08/2014
Bishop arrested with home-made bomb in Nairobi. 14/04/2014
Turkey to help modernise Kenya Police Service. 13/04/2014
Teacher's incredible sacrifice as he donates kidney to seriously ill girl at his school
Aden Duale clarifies remark on terror. 13/0412014
It’s economic sabotage, claim Somalis. 13/04/2014
Kenya soldiers to relocate and pacify new areas in South Somalia
2 Kenya cops due in court for abduction of 2 ONLF Officials
Two police officers arrested over abduction of Ethiopian officials 03/02/2014
Beesha Cowlyahan Oo Shirtay Dal iyo Dibadba Iyo Bayaan Ay Soo Saareen wax garad Koodu
IGAD Appointed Ambassador Mohamed Abdi Affey as its Special Envoy to Somalia
Baby was ‘sold’ for Sh24,500 (Ilmo hooyadiis gadatay)...
Letter of the Secretary-General on the UN/AU bench-marking exercise on Somalia
Somalia’s Leader: Look Past the Hype
Tacadiyada Ogadeniya Ka Dhacaya: "Markhaati furkii, Shaanbal Xasan Maxamed Cabdi ( Xasan Aafo)"
Nuxurka Warbixintii Ururka ICG uu ka Diyaariyey Gobolka Ogaden (DDSI) iyo Beesha Absame (Dr Cabaas)
Ethiopia: Prospects for Peace in Ogaden
Mu'aamarad lala damacsan yahay Jubaland State iyo ciidanka Kenya oo la dalbaday inay baxaan 03/07/2013
Wasiirka Warfaafinta: Dastuurka lama ansixinayo iyadoo aan shacabka loo soo bandhiggin
Walaalaha Galgaduud iyo Foosha Kismaayo
Sheekh Xasan Turki oo ka warbixinaya Xaaladda Kismaayo kadib la wareegitaan-kooda. (25-09-06)...
ONLF Oo Qaadatay Nidaamka Cusub Ee Caalamka (ONLF Takes New World Order).
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
Radio Ogaal.com
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Somalimp3.com
Jubbalanddf.net Diaspora
Somalifox.com
Waamonews.com
Somalibooks.org
Allpuntland.com
Makhtal.org
Somalichannel
Qaranimo.com
Radiomuqdisho.net
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Jubbalandnews.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Ogadentoday.com
All-Idamaale.com
Somalistate/Ogaden
Ijaranews.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Garissacity.com
Wargaysyada Afrika
Statehousekenya.go.ke
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
Crisisgroup.org
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital