Wali lama gaarin xiligii Soomaali hal madaxweyne yeelan lahayd, waana sababta loo sameyey Roadmapka iyo in Afartaan sano ee soosocda laga shaqeeyo soo dhamaystirka Roadmapka iyo in laga baxo nidaamka 4,5 ka.
Dowlada dhexe waxay Dowlad dhexe noqonaysaa markii lasoo dhamaystiro Dowladaha Xubnaha ka noqonaya, dhismaha Dowladahaasna sida ku cad Dastuurka waxay dhismahoodu u taal dadka deenkaas.
Ninka fadhiya Villa Somalia xiligaan wax awood ah uma laha inuu ka hadlo Jubooyinka, talo xitaa kama dhiiban karo, umana arko anigu hadalada kasoo yeeraya kuwo u baahan in wax laga yiraahdo.
Jubooyinka iyo Gedo Dadbaa dega, taladuna waxay ku imaanaysaa sida xaqa ah oo lookala degan yahay ama loogu kala badan yahay.
Maalmahaan waxaan maqlayay Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in nidaamka 4,5 lagu qaybiyo Maamul u sameynta Jubooyinka, lama yaabin hadalkaas, lakiin mid baan ka oranayaa.
Sida caalamka caado ka ah Dowlada federaalka ah halmeel ayaa maamulkeedo la doonayaa inuu dhexdhexaad noqdo(4,5) , Dastuurkeena Federaalkuna waa Qorayaa, meeshaasna waa caasimada Dalka, marka Madaxweynuhu haduu soo jeediyey in Maamulka Jubooyinka iyo Gedo in loo qaybiyo 4,5 macneheedu waa Caasimada Soomaaliya halaga dhigo Bu’aale. muqdishana sida ay maanta tahay halka reer ee haysta haloo daayo.
Soomaaliya halmeel baa 4,5 Awooda loo qaybinayaa meeshasna waa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, hadii kale ogolaada in caasimada laga dhigo Bu’aale Garow, Garbahaarey ama Kismaayo.
Jubaland maamulkeeda cid loo joojinaya ma jirto cid lagala tashanayo ma jirto, Taladeda waxaa wax laga waydiinayaa wiilka jooga Garisa, Garbahaarey, Garow, Bosaso, Caabudwaaq ilaa Jigjiga, waana xaqiiqda dhabta ah.
Wabilaahi Towfiiq.
Yasiin kabacade.
Nairobi.
Source: Puntlandi.com
Publish Date: 10/30/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|