Sida uu ku soo waramayo wariyaha SWN u jooga Muqdisho waxaa is afgara ku dhamaaday kulankii koobaad ee dhaxmaray madaxda dowladda iyo xubnihii gudiga farsamada maamul u samaynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Shirkaas ka dib ayaa madaxwaynaha waxaa gurigiisa ugu yimid odoyaasha dhaqanka beelaha hawiye iyo siyaasiyiin laga magac dhabay Cabdiqaasim Salaad Xasan, Madaxwaynihii hore, waxaa madaxwaynaha si toos ah loogu war galiyay inuu ka laabto ogolaanshaha maamul u smaynta Jubooyinka iyo Gedo isla mar ahaantaana sameeyo qorshe cusub oo dowladu leedahay.
Oday ka mid ah odayada ayaa ku dacwooday sidan ‘Mudane madaxwayne hadaad maanta Daarood Jubooyinka iyo Gedo u saxiixdo adigoo og wadanka waxa ka dhacay iyo godobta reer tolkaa loo qabo, unnuka waan guuraynaa, wadanka waa isaga guuraynaa, Ugandha iyo meeshii na ceshetaan qaxooti ku naqanaynaa’.
Cabdiqaasim Salaad ayaa asna meesha ka hadlay kana digay in la abuuro maamul goboleed la mid noqon doona kan Puntland ka jira, berrina ka hor imaan doona qorshaha isla dowladan. Fikirka in odayaasha qaab madax furasho loo haysto waxaa la sheegay inuu soo jeediyay Gen. Indhacadde oo asagu ku takhasusay howlaha noocan oo kale ah.
Shaloow Sheekh Shariif aqoonsahaayay Khaatumo State, Puntland aa ka horayday, Barwaaqadii beeraha iyo baddii isku xirnaayna haddaa loogu daraa oo kaalay Hawiye xaa u soo heraa? Xaad ayaa isna laga soo xigtay sidaas.
Hadaba Maxaa la gudboon reer jubaland?
Reer Jubaland waa inay ilaaliyaan midnimadooda, dhamaystiraan maamulkooda, beesha caalamka iyo cid walbana u caddeeyaan mowqifkooda. Waa in aan mooryaanta guryaha dadka iyo beeraha haysata wax war ah laga dhagaysan. Waa in digniin adag la siiyo beelaha la doonayo in gabaad laga soo dhigto sida beelaha Shiikhaal iyo Gaaljecel.
Xasan Kismaayo.
Hassank@hotmail.com
Publish Date: 10/27/2012
Last Updated: 12/10/2012
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|