Waxaa ayaamahan la is waydiinayaa macluumaad ku saabsan nin la yiraahdo Bashiir geelle laguna naanayso Bashiir Waal oo ku nool magaalada Oslo ee dalka boqortooyada Norway. Bashiir ayaa la sheegay inuu baryahan ku waashay iskana dhax arkay beesha Ogaadeen oo isaga reer abtigiis ah.
Bashiir wuxuu ku dhashay magaalada Qabridahare ee gobolka Qoraxay abaarraha 1953-kii, ka sokow reer abtiga loo yahay ayaa hadana qoyska asagu uu ka soo jeedo ay yihiin niman dhaqan ku ah mag iyo mawlaxana la wadaaga reer abtigiis reer Dalal Ugaas Magan oo ku abtirsada beel waynta reer Cabdille.
Allaha u naxariistee Bashiir walaalkii ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal beeleed dhaxmaray qaybo ka mid ah Ogaadeenka iyo Isaaqa meesha la yiraahdo Dhabba Rooble 1982-kii. Waxaa xusid mudan inuu Bashiir iyo walaalkiiba ay dagaalkaas ka qayb qaateen ayaga oo ah niman reer Dalal ah difaacayana deegaankoodi.
Bashiir ayaa qaaday cudur la yiraahdo Ogaadeen nacayb, Ogaadeen cay iyo Ogaadeen habaar. Waxaa intaas u sii dheer taariikho been abuur ah oo uu ku masabito reer abtigiis kuna buun buuniyo dadyow kale oo Soomaali ah. Gabbal ma dhaco waana ma baryo illaa Bashiir waal oo reer abtigiis wax ka sheega mooyee. Soow cajiib maaha!!!!!!!! .
Bashiir reer abtigiis waa dad taariikh wayn ku leh geeska Africa, waa dad dhaqan leh, waa dad difaaca dadka laga tira badan yahay. Hadaba Bashiir reer abtigiis laguma dhax ciiline xaggee ka keenay cuqdadda ku waynaatay.
Bashiir oo ka sokoow reer abtiga loo yahay caruurtiisana reer abti loo yahay ayaan la garanayn jirrada ku dhacay. Dagaalki Dhabba Rooble waxay dad xog ogaal ah noo xaqiijiyeen inuu bashiir ku furtay qori, dhaawac fududna ka soo gaaray, haddaba ma shalay buu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?
Bashiir ayaa shir uu soo qaban qaabiyay todobaadkii la soo dhaafay ku aflagaadeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Kismaayo kuna sheegay dad qaldan. Isagoo ku hadlaaya magaca beesha Direed, kuna faanaya dirta waqooyi iyo tan Jabuuti dagta ayuu ku goodiyay inay weerar ku qaadayaan beesha Ogaadeen, Afmadowna la oron jiray gabar Dir ah sidaa daraadeena Afmadow ay Diri leedahay.
Bashiir ayaa meelo badan oo kala duwan laga daawaday isagoo aflagaadaynaya reer abtigii kuna hanjabaya wax uusan awood u lahayn isaga iyo abkii toona. Bashiir wuxuu ka mid yahay Waamo National Party oo ay iskula bahoobeen isaga iyo niman ka soo jeeda Dirta waqooyi ama beesha Hargeysa dagta.
Bashiir waxaa caada u ah inuu mararka uu reer abtigiis dhaxjoogo ku faano ayaga, walibana kala gura dhexdooda, marka uu gidaarkaa la wareegana billaaba dayro iyo calaacal ku wajahan abtiyaashii.
Xasan Kismaayo.
hassank@hotmail.com
Publish Date: 10/26/2012
Last Updated: 12/10/2012
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|