Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 23 November 2014 12:44
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Sports/Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Suugaanta Abwaan: Cabdi Ibrahim Magan (Ciriir)
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Jubaland State
Jubaland State
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 Ururka Jubaland Concern oo baaq iyo digniin kasoo saaray Jubbooyinka

Ku: Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya

Ku:Waxgaradka Soomaaliyeed ee nabadda jecel

Ku:Dawladaha ku baheysan urur goboleedka IGAD

Ku: Hoggaanka Ciidamada AMISOM

Ku: Ururka Midawga Afrika

Ku: Bulshada Caalamka

Ujeeddo: Digniin iyo Baaq wadajira oo kusaabsan Jubbooyinka

Hay’adda Jubbaland Concern Group (JCG) waxey marka ugu horeysa umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ugu hambalyeyneysaa in manta Soomaaliya ay yeelatay dawlad qaran oo laga baxay xiligii ku meelgaadhka ahaa. Iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ubaahan fiiro iyo taxaddar gooni ah haddana JCG aaminsantahay inay lagama maarmaan tahay in dalka lagu hoggaamiyo caddaalad iyo sinaan aan lahayn eex iyo nin ama beel jecleysi si aan loogu laaban sanadihii xanuunka badnaa ee taariikhda inoo galay.

Intaas kadib hay’adda JCG waxey umadda Soomaaliyeed ugu baaqeysaa isla markaana ka digeysaa inaan dib loo raadinin halaaggii iyo dhibaatooyinkii ina soo maray oo dhamaantood ka dhashay caddaalad xumo.

Anagoo tixraaceyna hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha ee la xiriiray in dawladdu maamul usameyneyso Jubbooyinka iyo hadallada saraakiil ciidamada ka tirsan ay ku celceliyaan maalinwalba waxaan dareensanahay in talaabooyinka noocan ahi ay dalka dhibaato badan usoo jiidi karaan ayna horseedayso qabyaaladdii laga soo gudbey muddo hore kadib.

Waxaa madaxweynaha iyo waxgaradka Soomaaliyeed dib uxasuusineynaa in nadaamka dawladda Soomaaliyeed ay kusaleysan tahay mid Federaal ah waxaana kadigeynaa siyaasadda laga sameynayo Xamar ee dhinaca u janjeerta. Tusaale ahaan waxaa dalka Soomaaliya gobolo badan oo kamid ah ka dagaalama Ahlu Sunnah Waljamaaca oo maamula magaalooyin badan mana jirto wax hadal ah oo ka dhan ah oo kasoo baxaya dawladda iyadoo ay maalmahan soo badanayso hadalada ka dhanka ah ururka Raaskambooni oo la ogyahay raadkiisa iyo dagaalada uu la galay ururka Alshabaab xilli dhamaan ama inta badan Soomaalidu ay dhabarka u ridatay xukunka Alshabaab.

Saddexdii sano ee ugu danbeysey ee ururka Raaskambooni uu dagaalka kula jiray ururka Alshabaab waxaa ku dhintey wiilal aad ubadan waxaana ku dhaawacmay boqolaal wiil oo ku waayay lixaadkoodii waxaana nasiib darro ah in raggii shalay daawanayay ama taageersanaa Alshabaab ay maanta madaxweynaha dhagihiisa hayaan ayna talooyin aan habbooneyn ay siinayaan. Madaxweynaha waxaan xasuusineynaa inuu dib u eego dastuurka lagu soo doortey inta uusan hadallo aan laga fiirsanin warbaahinta ka odhanayo kuwaasoo aan wax faaiido ah u lahayn xukuumadda curdanka isla markaana sii kala fogayneysa umadda Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliya waxaa kusugan ciidamo badan oo aan Soomaali ahayn iyo ciidamo badan oo aan ahayn kuwa dawladda waxayna ciidamadaasi ka dagaalameen meelo badan oo ka tirsan waddanka sida Hiiraan, Galguduud, Gedo iyo Bay iyo Bakool meelwalba oo laqabsadeyna waxaa maamul usameeyey ciidamada qabsadey ee meesha jooga mana dhicin wax hadal oo kasoo yeeray dawladda waxaana nasiib darro ah in rag dana gaar ah leh ay madaxweynaha hadal aan sax ahayn ujeediyaan iyo inuu ka aqbalo.

Dalku waa Federaal waxaana magaala walba maamulaya dadka daggan mana jiri karto meel maamul aysan rabin loo magacaabi karo. Puntland iyo Galmudug iyo meelaha ay Ahlu Sunnah ka taliyaan Madaxweyne Xasan kama hadlo sidaas darteed waxaa umadda udhaxeeya dastuurka Federaalka ah. Magaala walba oo dalka ku taalla waa magaala Soomaaliyeed sida Baydhabo iyo Xamar, ama Boosaaso iyo Baladweyne, waana lagu kala badan yahay waxaana marwalba goaanka iyo talada yeesha dadka daggan mana dhicin meel dusha looga yimid.

Hay’adda JCG waxey ka digeysaa in Madaxweyne Xasan uu ka feejignaado waxyaabaha kala fogeyn kara siyaasadda Soomaaliya iyo kala tagga umadda waxaana looga fadhiyaa inuu noqdo shakhsi aan ku xirnaanin beelo gaar ah iyo shakhsiyaad dano gaar ah leh, waxaana looga fadhiyaa inuu talaabo iyo hadalwalba miisaamo. Waxaa jira hadallo colaad mooyee aan ciidan iyo cawo midna kuu keeneynin sida midkii maalinkii dhaweyd uu Baladweyne ka sheegey. Waxaa laga rabaa madaxweynaha inuusan fududaanin, indhaha iyo dhagahana furo.

Ugu danbeyn hay’adda JCG waxey umuuqda ifafaalo dhiileysan oo magaalada Muqdisho laga shidayo waxaana habboon in Muqdisho aysan noqonin Maroodigii eegayay Takarta kale ee aan tiisa arkeynin. Waxaana uga digeynaa madaxweynaha Soomaaliya inuu ahaado kuna sifeysmo nin Soomaali oo dhan ay dooratey ayna caddaalad kasugeyso. Wanaagga Soomaaliya maanta gaadho miisaan badan ayuu Madaxweyne Xasan ku yeelan doonaa sidoo kalena haddii tala xumayaal badan la dhageysto waxuu dalku halis ugu jiraa in dib loogu laabto 1991 waxaana jira dano intii hore ka xoog badan oo sugaya in fursaddaasi timaaddo oo Soomaali dhexdeeda beelo isku layso si ay fursad ugu helaan damacooda gurracan.

Soomaaliya Soomaali Baa leh!

jubbalandconcern@gmail.com

Jubbaland Concern Group

Publish Date: 10/3/2012
Last Updated: 2/27/2013
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
Qof u muuqda xubin alshabaab ah oo ka sheekeeyay khilaafka Alshabaab, (warqad furan)
Acting Sub Commissioner of Wallace Blake. Ogaden Rebellion in Jubaland 1989-1918
Kismaayo Ayaa Hadashay! Qaybtii 1-aad...
World's Shortest Man Down Under (Australia)15/5/2012...
Canadian in Ethiopia terror case. (Bashir makhtal Daahir)...
Dowladda Maraykanka oo la sheegay inay Ciiddamadda Itoobiyaan-ka U Adeegsanayaan Jiho Cusub...
Cali Maxamex Geeddi Oo Diidmo Ka Keenay Hindisaha Ciidamo Nabad Ilaalineed Lagu Keenayo Soomaaliya, Hindisahaas Oo Uu Lahaa Madaxweyne C/llahi, Iyadoo In Muddo Ahna Uu Ku Taamayey Hirgalintiisa...
Damaca Reer Galbeedka Iyo Dareenka Dadka Reer Suudaan...
Somaliland iyo Somalida Ogadenia oo ka sii daraysa xaaladooda nabadeed iyo salaadiinta labada dhinac oo xalku gacantooda ka sii baxayo...
Kummanaan Kun Oo Ree Koofur Afrika Ah Iyo Weliba Saxaafadda Caalamka Ayey Indhahooda Ku Sii Jeedeen M/ku xigeenkii Hore Ee Dalkaas Mr. Zuma Iyo Maxkamadda Sare Dalkaas (JHB Hight Court)...
Maqaal: Wajeer Oo Saacad Kasta Caruur Ay Ku Dhimanayaan. Abaaro Ka jira Awgeed. Sideese Looga Samati Bixin karaa Abarahaasi?...
Hambalyo Baydhabo Janaay. (W/Q. Xasan-Carab)...
Sudaan Oo Loo Diiday Hogaanka Qaarada Afrika (waa cusub oo Afrika u baryey dheh)..
Beelaha Mudnaanta Leh Cadde Muuse Noo Sheeg?...
Shirka Khartuum Ee Hogaamiyayaasha Qaarada Curyaamiyey...
Itoobiya Iyo Curyaaminta Heshiiski CADAN...
Waa Sidee Abaarta Ka Jirta Gobolada J/Dhaxe, J/Hoose Iyo Gedo?
Hay'ada Caafimaadka Aduunka Ee WHO Oo Shaaca Ka Qaaday Heerka HIV/AIDS-ku Uu Marayo Dalka Soomaaliya...
Biyo La'aanta Magaaladda Badhan Waxaa Ka Masuul Ah Jaaliyadda Qurbaha Joogta...
Xiriir Qarsoodi Ah Oo La Sheegayo In Uu Dhexmaray Barre Hiiraale Iyo Dowlada Itoobiya...
Buraan Shuruudihii Degmonimo Weey Buuxisay, Xaqeedana Weey Heli...
Wasiirka Dhulka Iyo Deegaanka Ee DKMG Ah Mowliid Macaane Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Golihii Deegaan Ee Shalay Muqdisho Lagu Caleemo Saaray...
Safiirka Mareykanka Ee Itoobiya U Fadhiya Oo Shalay Jig-Jiga Kula Kulmay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida.( shirkaas maxaa looga hadlay, ma wax dan u ah umada Soomaalida Ogaadeen mise?...
Digniin Cusub Oo Laga Soo Saaray Argagixisada Ku Sii Baahaysa Soomaaliya...
Ardayda Soomaaliyeed Ee Suudaan Iyo Internert-ka...
Haweeney Ka Socotay Sirdoonka Koonfur Afrika Oo Muddo Sedax Bilood Ah La Nooleyd Dhalinyaro Soomaaliyeed, Iyadoon La Dareensanayn in ay sirdoon tahay Iyo Somaliwide Oo La Xiriirtay Haeenaydaas Iyo Dhalinyaradiiba...
Gaari Si Weyn Uu Madaxweyne Yuusuf U Sugayay Oo Shalay Diyaarad Loogu Keenay Garoonka Jowhar
Magacyada Rag Shalay Ay Maxkamad Ku Taala Hargaysa Ku Kala Xakumay Dil iyo Xabsi Daa'im…
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
Radio Ogaal.com
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Somalimp3.com
Jubbalanddf.net Diaspora
Somalifox.com
Waamonews.com
Somalibooks.org
Allpuntland.com
Makhtal.org
Somalichannel
Qaranimo.com
Radiomuqdisho.net
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Jubbalandnews.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Ogadentoday.com
All-Idamaale.com
Somalistate/Ogaden
Ijaranews.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Garissacity.com
Wargaysyada Afrika
Statehousekenya.go.ke
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
Crisisgroup.org
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital