Sawirada shirka halkan ka daawo
Shir balaadhan oo siweyn loo soo agaasimay ayna
isugu yimaadeen jaaliyada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) ee ku nool magaalada
Melbourne ee dalka Australia, ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 14/06/2010 ka
dhacay magaalda Melbourne, shirkaasoo lagu lafoguray dhamaan xaaladaha guud ee
deegaanka SSC iyo guud ahaanba soomaaliya, halkaas oo ay ka hadleen odayaasha,
wax garadka, aqoonyahanada, culimaa’udiinka iyo qaybaha kale ee bulshadu, wada
tashi dheer dabadeed waxaa ka soo baxay baaqyadan hoos ku qoran.
TAAGEERO:
Annagoo ah dhammaan jaalliyadda SSC (Sool Sanaag
iyo Cayn) ee ku dhaqan Magaalada Melbourne, Australia, waxaannu si buuxda u
taageersannahay hoggaanka midaynta iyo badbaadada SSC.Waxaannu ku taageeraynaa
dadaalka ay ugu jiraan soo celinta deegaannada SSC ee maamulka Soomaali-diidku
gardarrada kusoo galeen.
CAMBAARAYN:
Waxaanu si toos ah u cambaaraynaynaa maamulka
Cabdiraxmaan Faroole faro-gelinta qaawan iyo hagardaamada cadaawadda leh ee uu
ku hayo soo celinta deegaannada ka maqan SSC.
Sidoo kale waxaannu ku cambaaraynaynaa Faroole
aflagaadadii uu u geystay isimmada iyo hogaanka beelaha SSC ee ku howlan soo
celinta deegaannadooda maqan.
DIGNIIN:
Waxaanu digniin u diraynaa maamulka Soomali-diidka
ah inay si degdeg ah oo shuruud la’aan
ah uga baxaan deegaannada SSC ee ay soo galeen. Sidoo kale waxaanu maamulka
Soomali-diidka ah ku eedaynaynaa xasuuqii ay ka geysteen magaalada Buuhoodle
iyagoo adeegsadey maleeshiyaad-beeleed loo soo geliyey shaadhka askarta Ethiopia.
MAHADNAQ:
Waxaanu u mahadnaqaynaa beelaha Caabudwaaq iyo
Galmudug taageeradii ay u muujiyeen shacabka SSC, waxaanu sidoo kale ugu
mahadnaqaynaa beelaha deggan gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal sida ay u taageersanyihiin
halganka SSC.
Wabilaahi Towfiiq
Sawirada
shirka halkan ka daawo
Publish Date: 6/18/2010
Last Updated: 6/18/2010
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|