Wararka Radio Xoriyo 01 Jun 2009.
Shirweynihiii ururka dhalinyarada Ogadenya OYL oo guul kusoo dhamaaday
Ciidanka jwxo qaybta Gorgor oo gacanta ku dhigay saldhiga tuulada Dhandhame
Kulan dhexmaray Maamulka Jaaliyada Denmark iyo Xubno kasocday xisbiga Endenslisten ee wadanka Denmark.
Muqdisho oo ay mar kale ka qarxeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya DKMG iyo xoogaga kasoo horjeeda.
Barnaamijkii aragtida Halgamaaga(Dhalinyarada iyo kaalintooda halganka)
======================
Ciidanka jwxo qaybta Gorgor oo gacanta ku dhigay saldhiga tuulada Dhandhame
Ciidamada
qalabka sida ee xoreynta ogadenya Qaybta Gorgor ayaa weerar xoog leh
kula wareegay gacan ku haynta tuulada Dhandhame oo ka tirsan Degmada
Baabili ee Gobolka Jigjiga kadib markay cagta mariyeen ciidankii
gumaysiga itoobiya ee saldhigaas daganaa.
Sida uu kusoo waramay
wariyaha Radio Xoriyo ee jiida hore qaybta Gorgor ee Ciidamada qalabka
sida oo hawlgalkan fuliyey ayaa cagta mariyey difaacii Ciidamada
Wayaanaha, iyaga oo halkas khasaare ba’an ugu geystey Ciidamada
Wayaanaha.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ciidamada Wayaanaha
laga diley 13 askari, maxaabiis aanan tiradooda la shaacina gacanta
lagaga dhigey. Sidoo kale waxay xoogaga JWXO halkaas ku qabsadeen
saanad milatari oo badan.
Ciidamada ONLF ayaa beryahan bilaabey
dagaalo xoogan oo ay ku ekeynayaan Ciidamada Wayaanaha, dagaaladaas oo
khalkhal geliyey Ciidamada Wayaanaha ee ka hawlgala Ogadeniya.
Shirweynihiii ururka dhalinyarada Ogadenya OYL oo guul kusoo dhamaaday
Shirweynihii
ururka dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub oo ka furmay caasimada
wadanka Finland magaalada Helsink maalintii jimacaha ahayd ee lasoo
dhaafay ayaa si rasmi ah loosoo gabagabeeyey.
Shirweynahan oo ay xubnaha ururka OYL sanadkiiba mar isugu yimaadaan ayay
kaga xisaabtamaan waxyaabihii uga qabsoomay waajibaadka dhalinyarada ee
kaga adan waxuqabadka dadkoodii iyo dalkoodii hooyo ee ku hoos jira
gumaysiga Itoobiya.
Shirweynahan
oo sanadkan ay marti galiyeen faraca ururka dhalinyarada ee wadanka
Finland ayaa waxa akasoo qayb galay dhammaan xubnaha faracyada ururka
OYL ee qaarada yurub,madax ka mid ah jwxo,marti sharaf shirweynaha lagu
casuumay iyo shacab boqolaal kor u dhaafay oo buux dhaafiyey hall kii
uu shirweynuhu ka dhacay.
Maamulka
qabanqaadaba shirweynahan ayaa ku tilmamay qaabka uu ugu qabsoomay
shirweynuhu inuu ahaa qaabkii loogu tala galay ee loo dajiyey waloow
ayay yidhaahdeen uu ku yaraaday hall ka uu shirki ka dhacayay oo kasoo
qayb galayaashu ka bateen.
Gudoomiyaha
ururka OYL Mudane Mujaahid Sheekh Ibraahim iyo Gudoomiyayaasha
faracyada ururka dhalinyarada ogadenya ee qaarada yurub ayaa
mid mid uga warbixiyey waxqabadkoodii wadamada ay ka howl galaan
,dhalinyarada Ogadenya ee kunool wadamada qurbaha siiba wadamada laga
ixtiraamo xoriyada iyo xuquuqul insaanka ayaa dadaal xoog leh ugu jira
siday qayb laxaad leh uga qaadan lahaayeen halganka loogu jiro xoreynta
Ogadenya iyagoo ku dagaalamaya qalinka iyo afka tusayana wadamada ay
kunool yihiin gumaadka iyo xasuuqa lagu hayo shacabka ogadenya ee rayid
ka ah.
Warbixinadaas
kadib ayaa waxaa madasha shirweynaha khudbad dheer kasoo jeediyey
G/kuxigeenka 2aad ee jwxo Mudane Cabdiqaadir Sheekh Xassan si
qoto dheerna uga warbixiyey kaalinta dhalinyaradu ay ku leedahay halkan
iyo waajibaadka laga doonayo,Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee jwxo ayaa
shirweynaha iyo dhalinyrada tusaaleeyey in towradaha xornimada horseeda
ay intooda badan yihiin dhalinro.
Wuxuu
intaas ku daray Mudane Caddaani in dhalinyaradu tahay jiilka barito ee
la wareegi doona hogaanka wadanka iyo halgankaba,loogana baahan yahay
inay waxbartaan kuna halgamaan qalinkooda iyo afkooda,dardaarankaa guud
ee G/kuxigeenka 2aad ayaa waxaa garab socotay warbixino uu shirweynaha
ka siiyey xaaladaha uu marayo halganka hubaysan ee ay jwxo hormuudka ka
tahay iyo xaalada guud ee dalka iyo dadkaba.
Shirweynahan oo ay ka hadleen aqoonyahano,odayaal iyo hooyooyinka halganka ayaa laga soo saaray go,aano iyo taageero buuxda sidii hiil iyo hooba loogu huri lahaa halgan xoreynta Ohgadenya.
Ugu dambayntiina waxaa goobka shirweynuhu ka dhacayay lagu soo bandhigay suugaan halgameed iyo cayaaro ay soo bandhigeen da,a yar u dhalatay Ogadenya
Kulan dhexmaray Maamulka Jaaliyada Denmark iyo Xubno kasocday xisbiga Endenslisten.
Maamulka
jaaliyada Ogadenya ee Denmark ayaa Maanta Sabti 30/05/09,kulan kula
yeeshay xarunta jaaliyada ee Copenhagen xubno sarsare oo ka katirsan
xisbiga Endenslisten. Xubnaha kasocday xibiga Endenslisten ayaa kala
ahaa musharaxa guud ee xibiga ee doorashada baarlamaanka Yurub Søren
Søndergaard,ee dhicidoonta 7/06/09 iyo xoghayihiisa khaaska ah Miss.Maj.
Xildhibaan
Søndegaard ayaa xubin ka ahaa baarlamaanka Denmark lagasoo bilaabo
1994-tii,islamarkaana katirsanaa barlamaanka Yurub labadiisano ee u
dambaysay.
Xisbiga
Endenslisten ee uu katirsanyahay musharaxan ayaa waxay caan ku yihiin
taageerada dadyowga lacadaadiyo iyo kuwa laga tiradabadanyahay.
Kadib
markii jaaliyadu u gudbisay Mudanahan warbixin qoraal iyo odhaah isugu
jirta oo tibaaxaysa dhibaatada kajirta Ogadenya , ayaa waxaa laysku
afgartay in jaaliyada Ogadenya ee Denmark iyo Xisbiga Endenslisten ay
wada sameeyaan wadashaqayn wixii hada ka dambeeya.Søndergaard ayaa ku
tilmaamay wax laga xumaado in EU-du ay Itoobiya siiso mucaawano lagu
laynayo dad shacab ah. Mr.Søndergaard ayaa balan qaaday hadii uu
doorashada ku guulaysto in uu qadiyada Ogadenya dhax geendoono
baarlamaanka yurub islamarkaana ku dadaali doono sidii Itoobiya looga
joojin lahaa mucaawamada ay Itoobiya kahesho Yurub ee loo adeegsado
cabudhinta iyo cadaadinta shacabka reer-Ogadenya.
Waxaa
kale oo lagu balamay doorashada kadib, in shirkan ku ka balaadhan, oo
ay kasoo qayb-galidonaan xisbiga uu Søndergaard katirsanyahay iyo dadka
reer Ogadenya ee kunool wadanka Denmark.
Kulankan
oo kale ayaan horay ugadhicin wadanka Denmark, waxaana larajaynayaa in
ay ka soo bixidonaan natiijooyin wax ku ool u noqon doona dadka iyo
dalka Ogadenya.
Muqdisho oo ay mar kale ka qarxeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya DKMG iyo xoogaga kasoo horjeeda.
Magaalada
Muqdisho ee caasimada jamhuuriyadda Soomaaliya ayay saaka dagaalo
culculus dib uga qarxeen kadib markay ciidamada dowlada GKM weerar ku
qaadeen saldhiga booliska ee degmada Yaaqshid oo ay gacanta ku hayeen
mucaaradka kasoo horjeeda dowlada halkaas oo ay klula wareegeen
ciidamada DKMG ahi saldhigaas iyo agagaarkiisa.
Dagaalkani
oo ahaa mid xoogan isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa
kala duwan ayaa waxaa uu ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda
weli ku dhex marayaa agaagaarka Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka
Banaadir waxaana istaagay gabi ahaanba isu socodkii iyo dhaqdhaaqii
ganacsi ee degmada Yaaqshid .
Dhanka
kale:Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa ka codsatay wadanka Nigeria inay
ka qayb qaadato howlada nabad ilaalinta iyo xasilooni kusoo celinta
Soomaaliya .
Safiirka
dowladda Ethiopia u fadhiya Dalka Nigeria Sulemaan Didifor ayaa ugu
baqay dowladda Nigeria inay ciidamo nabad ilaalin udirto soomaaliya si
ay uga qayb qaataan howlaha nabad ilaalin ee uu ururka midowga africa
ka wado soomaaliya.
Safiirku
waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xiriirka ka dhaxeeya Nigeria iyo
Ethiopia oo uu ku sheegay mid taariiqi ah loo baahanyahay in la
xushmeeyo codsigooda oo dowladda Nigeria ay ka qeyb qaadato dadaalada
Africa ee ku aadan nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya.
01 Jun 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM –
20:30 waqtiga
Publish Date: 6/3/2009
Last Updated: 6/3/2009
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | Muqdisho oo ay mar kale ka qarxeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya DKMG iyo xoogaga kasoo horjeeda. (RX)03/06/09... |  | Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaalada amniga ee Ogadenya. (RX) 20/05/09... |  | Wariyayaal kasoo laabtay Ogadenya oo ka warbixiyey waxay indhahooda kusoo arkeen. 22/05/09(RX)... |  | Xukuumada Itoobiya Oo biyo-xidheen Ka Samaynaysa Wabiga OMO iyo Khilaaf Ka Dhashay Arinkaas... |  | Wargayska The Post Chronicle Oo Saadaaliyay Burburka Ku Soo Fool Leh Itoobiya. (RX)... |  | Firxadkii Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Oo Lagu Laayey Meelo Kala Duwan (RX)... |  | Waraysi: Mas'uul Sare oo Ka Tirsan ONLF Ay La Yeelatay Idacada VOA-da Maraykanka Ee Washington... |  | Wararka Radio Xoriyo: Xasuuq ka dhacay deegaanka Gol-Libaax ee gobolka Jarar 13 February 2009... |  | Maraykanka oo lacag badan siinaya Itoobiya... (R X 09 January 2009). |  | JWXO/ONLF Oo U Digtay Sharikada Shidaalka Baarta Ee Patronas... |  | Wararki Radio Xoriyo: Maraykanka oo diiday inuu maxaabiis ku jidhdilay Itoobiya... |  | Wararka Radio Xoriyo ka baxay 14 october 2008; Itoobiya oo lagu eedeeyay inay qarinayso dhibaatada shacabka... |  | Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) Oo Maanta Xilkii Madaxweynenimada Dhulka Somalida Ogadeniya Laga xayuubiyey... |  | Ethiopia Starving Somalis in Ogaden... |  | Safiirka Maraykanka Oo Booqday Ogadeenya (Wararka Radio Xoriyo 16 September 2008)... |  | Have you ever heard of Ogaden? |  | Kacdoon ka jira Godey iyo dad badan oo xidhxidhan |  | Canadian in Ethiopian jail to get lawyer, envoy says. |  | Wararki Radio Xoriyo 29 July 2008. Mucaaradka Soomaaliya oo sii kala fogaaday... |  | Dood iyo Fikrado Ku Saabsan Dadkii Ka Soo Jeeday Ogaadeeniya Ee La Dhiibay (BBC Somali) |  | Shan Nin oo Somalida Kililka Shanaad ah oo laga bad-baadiyay u gacan gelinta Ethiopia. |  | Baaq Cambaarayn oo uu soo saaray Midowga Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee Yurub (MJOY |  | Wasiirka Warfaafinta DGPL, C/raxmaan Saalax (Bankax) oo sheegay raga loo dhiibay Itoobiya inay tahay arrin... |  | Qaramada Midoobay oo ka hadashay arrimaha Ogaadeenya |  | Ogaden Locals Allege Abuses by Soldiers |  | Ethiopia assures no Ogaden famine |  | OGADEN: A CRISIS WITH NO END IN SIGHT |  | Wararka Radio Xoriyo28/11/07... |  | Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay. (RX)... |  | Xaaladda Ogaadenya iyo aqalka Cad ee Maraykanka 2/10/07.... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 January 2007: Itoobiya iyo sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 January 2007: Weerarro lala beegsado ciidammada Itoobiya. |  | Wararkma Maanta: Dagaalo Goos Goos Ah Oo Ka Dhacay maanta Deegaano Ku Yaala Agagaarka Dhooblay. 04/Janaayo 2006... |  | Warraka Radio Xoriyo 02 January 2007: Dhagaxbuur: Ciidammada gumaysiga oo dadwaynaha ku gadooday... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 December 2006: Diyaarad laga soo riday ciidamada gumaysiga Ethiopia... |  | Wararka Radio Xoriyo 19 December 2006: Dawladaha Yemen iyo Suudan oo ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya... |  | Guddoomiyaha JWXO oo shir wayn kaga qayb galay magaalada London... |  | Wararka Radio Xoriyo 05 December 2006: Maxkamadaha iyo IGAD oo heshiis kala saxiixday... |  | Radio Xoriyo 28 November 2006: Sheekh Ibraahim Cabdalla oo shalay qadiyada geeska afrika ka hadlay... |  | Wararka Radio Xoriyo 21 November 2006: Meles Zenawi Oo Caydhiyay Taliyihii Ciidammada Cirka... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 November 2006: Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya. |  | Wararka Radio Xoriyo 07 November 2006: Ciidammo badan oo gumaysiga ka baxsaday... |  | Wararka Radio Xoriyo 20 October 2006: Itoobiya oo qiratay in ciidammo ka joogaan dalka Soomaaliya... |  | Wararka Radio Xoriyo 17 October 2006: Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeedhay dawlada Soomaaliya... |  | Wararka Radio Xoriyo 06 October 2006: Ciidammo Itoobiyaan ah oo Kenya lagu laayay... |  | Wararka Radio Xoriyo 03 October 2006: Danjire caan ah oo beeniyay in maxkamaduhu khatar ku yihiin Kenya... |  | Barnaamijkii Radio Xoriyo 29 September 2006: Khubaro ka digay in Soomaaliya ciidammo shisheeye loo diro... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 September 2006: Jaaliyada Ogaadeenya ee Sydney oo shir wayn isugu timid... |  | Wararka Radio Xoriyo 22 September 2006: *JWXO oo canbaaraysay afduub Ogaadeenya ka dhacay... |  | Wararkii Radio Xoriyo 19 September 2006: Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya. (2) Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid... |  | Wararka Radio Xoriyo 15 September 2006: *Petronas iyo Itoobiya oo isku khilaafsan shidaalka Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 12 September 2006: Shir Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay San Diego - 2- Maxkamadaha Soomaaliya oo mar kale diiday ciidamo shisheeye... |  | Wararka Radio Xoriyo 08 September 2006: Itoobiya oo lagu eedeeyay lunsashada cuntada gargaarka ah... |  | Ciidamadii Itoobiyaanka Oo Gobolka Mudug Dib Uga Gurtay iyo warar kale... |  | Wararkii Radio Xoriyo 05 September 2006: (1) Bayaan uu Hooggaanka Gaashaandhigga ee JWXO soo saaray... (2) Dad shacab ah ooy ciidammada gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay boobeen... (3) Unugta iyo ururka dhalinyarada Ogadenya ee Canada oo shir Toronto... |  | Barnaamijkii Radio Xoriyo 01 September 2006: (1) Ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya jooga shan arrimood xoogga saaraya... (2) Ciidammo ka soo goostay Itoobiya oo JWXO isu soo dhiibay... (3) Waraysi aan la yeelanay Siyaasiga Faarax Daahir |  | Wararka Radio Xoriyo 29 Aug 2006: (1) Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay. (2) Ciidamada Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii Cali Kunaay. (3) Go'aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 25 Aug 2006: Wiilal ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Miyiga Garigo'an... |  | Wararka Radio Xoriyo 22 Aug 2006: (1) Dad aad u fara badan oo xalay lagu xidh xidhey Magaalada Jigjiga. (2) Labo nin mid da'adiisa tahay 80 meeyo oo laga soo xidhay Tuulada Dhuurre. (3) Tuulada Qudhac Maydal oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Wiil... |  | Halkan Ka Daawo Sawirada Sanadguuradii 22aad Ee JWXO, Oo Lagu Qabtey Dalka Ingiriiska (London, UK)... |  | Wararka Radio Xoriyo 18 Aug 2006: Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea... |  | Wararka Radio Xoriyo 15 Aug 2006: Shirweynihii 10aad ee Jaaliyadaha Ogadenya oo guul ku dhamaaday Iyo Warar Goos-Goos ah... |  | Shirweynihii 10aad Ee Jaaliyadaha Ogadenya Oo Guul Ku Dhamaaday. (RX)... |  | BBC Somali Oo Wareysatey Gudoomiyaha ONLF Admiral. Mohamed Omar Osman... |  | Wararka Radio Xoriyo 11 Aug 2006: Ciidamo Ethiopian ah oo dad Somalia ah laayay... |  | Wararka Radio Xoriyo 08 Aug 2006: (1) Dad badan oo Diridhabo daad ku qaaday. (2) Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya oo la kala diray... |  | Wararka Radio Xoriyo, 01 August 2006: Kenya Oo Qabanaysa Kulan Degdeg Ah Oo Soomaaliya Ku Saabsan... |  | Wararka Radio Xoriyo 28 July 2006: Dagaal Khadhaadh oo ka dhacay duleedka Dhagaxbuur... |  | Madaxweyne Lugbuur Oo Sida La Sheegayo Ku Jira Maalmihiisi Ugu Danbeysay Ee Madaxweyne-nimada Dowlad Goboleedka Soomaalida Ogaadeeniya... |  | WAA BARYEY SACABO LAGUMA QARIN KARO. (Maqaal)... |  | Wararka Radio Xoriyo 25 July 2006: Kulan wayne ay Jaaliyadda Kanada qabatay... |  | Guddoomiyaha G. Shu. Ee M. Maxkamadaha Is. Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Dhulka 0gaadeeniya... |  | Wararka Radio Xoriyo 21 July 2006: Diyaarad Ciimadada Gumeysiga Itoobiya lagaga soo ridey Magaalada Gabagabo... |  | Wararka Radio Xoriyo 18 July 2006: Jabuuti oo ka mid noqotey wadamada ku yaboohaya in aan Soomaaliya loo dirin Ciidamo shisheeye... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 July 2006: Shirkii saraakiisha gumaysiga ee Q/daharre oo shalay dhamaaday... |  | Malaayiin Qof Oo Ku Nool Gobalka Ogaadeeniya Oo Ay Macluul Iyo Abaarro La Soo Deristay... |  | Wararkii Radio Xoriyo 11 July 2006: (1) Shir ay magaalada Sanca ku qabteen haweenka Ogaadeenya... |  | Radio Xoriyo 07 July 2006: (1) Saraakiisha ciidammada Itoobiya oo ku shirsan Qabridaharre. (2) Bayaan uu soo saaray guddiga fulinta ee Isbahaysiga AFD. (3) Shir ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Holland qabatay. (4) Bayaan Warfaafineed dagaalka Yoocaale. |  | Wararka Radio Xoriyo 04 July 2006: Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen... |  | Wararka Radio Xoriyo 30 Jun 2006: Banaanbax ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab-Kenya... |  | Sheekh Xasan Daahir Aweys, Oo Sheegay inay Qaddiyadda Dhulka 0gaadeeniya Tahay Arrin Aan Ka Go'i Karin Dhiigga Iyo Qalbiga Ummadda Sooamaliyeed... |  | Wararka Radio Xoriyo 27 Jun 2006: Qorshihii ciidan keenista ee dawlada Soomaaliya oo dib u dhacay... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 Jun 2006: (1) Heshiis dhexmaray maxakimta islamiga ah iyo dawlada ku meelgadhka ah... |  | Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Switzerland Ee Shalay Xarunta Qamada Midoobayna Lagu Hor Qabtay Iyadoo Shirkii Xaquuqul Insaanku Uu Ka Socdo... |  | Wararka Radio Xoriyo 20 Jun 2006: (1) Dagaal Gunagado ka dhacay oo gumaysiga lagu jabiyay. (2) Maxaakimta Soomaaliya oo Itoobiya u digay. |  | Ugaas Beleed Lagu Magacaabo Bade Bile Nuur Oo Lagu Caleema Saaray Deegaanka Galbeedka Godey iyo Qalaafe Ee Gobolka Ogaadeeniya... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 Jun 2006: (1) Bayaan ku saabsan Isbahaysigii AFD ee JWXO kamidka ahayd (Maqal). (2) Dagaal Quusiye loogu wanqalay oo Ceelwayne ka dhacay.. |  | Wararka Radio Xoriyo 13 Jun 2006: Jaaliyadda Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid... |  | Wararka Radio Xoriyo 09 Jun 2006: (1) Arday lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur. (2) Faalo ku saabsan eraybixinta cusub ee gumaysiga(Is fashilin)Maqal... |  | Wararka Radio Xoriyo 06 Jun 2006: (1) Dagaallo cadowga lagu naafeeyay. (2) Dhibaatooyinka dadwyanaha loo gaystay... |  | Wararka Radio Xoriyo 02 Jun 2006: Waraysi Dhinacyo badan taabaya(Gudomiyaha JWXO Adm.Max,ed Cumar Cisman)... |  | Wararka Radio Xoriyo 30 May 2006: Gudoomiya JWXO oo ka warbixiyey xaalada milatari ee ciidanka gumaysiga Itoobiya... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 May 2006: Ganacsatadii Ogadenya oo dagaalka loo diray & Bandow lagu soo rogay magaloyinka... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 May 2006: Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha u hanjabay... |  | Wararka Radio Xoriyo 19 May 2006: Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia oo shirar wadda... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 May 2006: Ciidammadii Itoobiya oo dhaqdhaqaaqii joojiyay iyo amar Kililka la siiyay... |  | Shir Degdeg Ah Oo Ay Isugu Imaadeen Maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya Ee Switzerland... |  | Shir Balaadhan oo Sabtidii 13-05-06 ka dhacay Gobalada dhexe ee UK... |  | Shacabka Ogadeeniya Oo Ka Cabsi Qaba Xasuuq Kaga Imaada Ciidamad Ee Tigreega Maadama Ay Baryahan. (Jimce, 12 May, 2006)... |  | Dagaaladii Ugu Dambeeyey Ee U Dhexeeyey Ciidamada Dowlada Itoobiya Iyo Kuwa ONLF Oo Si Weyn Loogu Jabiyey Ciidamada Itoobiya. (Jimce - 12 May, 2006)... |  | Wararka Radio Xoriyo 12 May 2006: (1) Natiijada hawlgalkii millatari ee Itoobiya ka billowday Ogaadeenya... |  | Wararkii Radio Xoriyo 09 May 2006: (1) Shir ka dhacay magaalada Melbourne(Australia) oo aan ka waraysanay Khadar Aaden Cismaan. (2) Madaxdii mucaaradka Itoobiya oo denbiyo calculus lagu soo oogay.... |  | Shir Aad U Ballaadhan Oo Maanta Oo Sabti Ah illaa Caawa ka Socday Magalaada Melbourne Ee Dalka Australia Oo Si Haboon Usoo Gabagaboobay. (SWN - 2006)... |  | Wararka Radio Xoriyo 05 May 2006: (1) C/llaahi Yuusuf oo Maraykanka eedeeyay. (2) Ciidammada Itoobiya oo gabadh ku kufsaday Dhagaxbuur... |  | (SWN - Sabti, 06 May, 2006) Oday Dhaqameedyada Soomaalida Ogaadeeniya Ee Ay Soo Dirsatay Dowlada Itoobiya Oo Shir Ku Qabtay Galabnimadii Jimcaha, Magaalada Kobenheegan Ee Dalka Denmark... |  | Wararka Radio Xoriyo 04 April March 2006: (1) Dhirbaaxooyin ciidammada xoreyntu u gaysteen kuwa gumaysiga. (2) Xaalad colaadeed oo ka taagen Jaamacadaha Adis Aba... |  | Wararka Radio Xoriyo 31 March 2006: (1) Kongarayska Maraykanka oo Itoobiya weeraray... |  | Wararka Radio Xoriyo 28 March 2006. (1) Aqalo ay gubeen ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo dagaalo lagu naafeeyey wayaanaha.. |  | Maxaabiis Ogaadeeniya Ka Soo Jeeda Oo Shalay Xabsiga Hargaysa Laga Sii Daayay. (Lix maxbuus oo kale oo Soomaali ah oo xiligii kuwan la sii daynayey dhaawacantay ka dib risaas)... |  | Wararka Radio Xoriyo 24 March 2006: (1) Ciidammada Itoobiya oo dhacay alaabo malaayiin lagu qiimeeyay, (2) Kacdoon ka dhan ah xukumada Itoobiya oo ka dhacey Diridhaba |  | Wararka Radio Xoriyo 17 Maarso, 2006: (1) Waftigii JWXO oo la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark, (2) Odayaal Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 March 2006, (1) G/Kuxigeenka 1aad ee jwxo oo shir ku qabtay Denmark(Maqal), (2) Gabdho la kufsaday iyo dadwayne la xidhxidhay, (3) Guddoomiyaha oo dadwaynaha baaq u jeediyay... |  | G/xigeenka 1aad Ee JWXO Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Shirweyn Ku Qabtay Denmark... |  | Maqaal: Odayada Iyo Wejiga Labaad Ee Qorshe Sir Ah... |  | Ogaysiis-Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark....Shir Muhiim Ah: Waxaa Dhammaan Dadweynaha Soomaalida Ogaadeeniya Ee Deggen Wadanka Denmark Lagu Wargelinayaa In La Qaban Doono Shir Muhiim Ah Oo Uu Ka Soo Qayb Galayo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee JWXO-ONLF... |  | Maqaal Xiisa Leh Oo Xaqiiqada Taabanaya: Jawaab ku Socota Cali Cabdi Gurxan Maqaalka, QADIYADDA OGAADEENIYA MUDNAANTEEDA HALA SIIYO... |  | Wararka Radio Xoriyo: (1) Qaramada Midoobey oo aad uga daysrisay xaaladda Ogaadeenya, Guddoomiye ku xigeeAskar Itoobiyaan ah oo Soomaaliya soo galay...nka JWXO oo booqasho ku jooga Norway, QM: Eritereya iyo Itoobiya waa inay xadkooda calaamadeeyaan, |  | Magaalada Baarey Ee Gobolka Afdheer Oo Khad Telefoon Loo Sameeyey Markii Ugu Horaysay. +251-981 110 708... |  | Xaalada Nololeed Ee Maxaabiista U Dhalatay Soomaalida-Ogaadeeniya Ee Ku Xiran Xabsiyada Hargaysa Oo Laga Dayrinayo... |  | Maxbuus U Dhashay Ogaadeeniya Oo Xabsiga Hargaysa Ugu Geeriyooday Tacdiib Loogu Gaystay Xabsiga Intuu Ku Jiray, gaajana ay u wehelisay (Jirdil iyo Gaajo)... |  | Soomaalida Koonfur Afrika Oo Ku Hor Mudaaharaaday Xarunta Baarlamaanka Afrika Iyagoo Ka Cabanayey xadgudubyada Males Zinawi Kula Koco Dadka Ogadeniya Iyo Wakiila Ban-Afrika Ee Liibiya Oo La Hadlay dadkii... |  | Xasuuqii Naxariis Darada Ahaa Ee Shacabka Ku Dhaqan Q/Dahre Shalay Ay Ciidamada Itoobiyaanku U Geysteen iyo Tirada Halkaas Ay Ku Dileen, Iyo Sidoo kale Xaalada Magaaladu Sida Ay Hada Ku Sugan Tahay... |
|