Wararka Radio Xoriyo 22 May 2009
Xoogaga dalka Ogadenya oo weeraro isdaba joog ah ku qaadey xeryaha ciidanka Gumaysiga.
Madaxweynaha Eratria oo si kulul u cambaareeyey howgalka midowga Africa ee soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqa uruka Al-Shabaab oo yeeshay afhayeen cusub.
Wariyayaal kasoo laabtay Ogadenya oo ka warbixiyey waxay indhahooda kusoo arkeen.
Jaraa,idka Caalamka oo usbuucan aad wax uga qoray Ogadenya.
======================
Xoogaga dalka Ogadenya oo weeraro isdaba joog ah ku qaadey xeryaha ciidanka Gumaysiga.
Ciidamada qalabkasida ee xoreynta ogadenya ayaa weeraro
aan kala joogsi lahayn ku haya xerayaha ciidamada gumaysiga Itoobiya ay
ku leeyihiin Ogadenya gaar ahaana gobolka Afdheer oo ay N/Hurayaashu awood milatari saareen bilihii u dambeeyey.
10/05/09
Degmada Ceelkare ee gobolka Afdheer dagaal ku dhex maray cwxo iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari
Waxaana lagaga dhaawacay 7 kale .
11/05/09
Deegaanka Af-bilaawe ee degmada Hargeelle fal gaadma ah oo ay ciidanka
xoreynta Ogadenya ku fuliyeen ciidan wayaane oo halkaas ku sugnaa ayay
kaga dileen 4 askari waxayna kaga dhaawaceen 6 kale .
12/05/09
Meesha lagu magac-aabo Qudhacle oo ka tirsan Ceelkare isku dhac u
dhacay si aan ku talagal ahayn oo ay iskaga horyimaadeen cwxo iyo cgi
ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 1 askari waxaana lagaga dhaawacay
3 kale .
4/05/09 Deegaanka Yuuqow oo laga xukumo degmada Jarati dagaal ka dhacay waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.
Ciidanka xoreynta Ogadenya ayaa 14/05/09 kaga dilay ciidamada gumaysiga itoobiya 10 askari meesha la yidhaahdo Guuramo Sibi waxayna kaga dhaawaceen 8 kale.
14/05/09 Tuulada Dalaad ee gobolka Qorahay dagaal ka dhacay 14-05-09 waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 wayaane waxaana lagaga dhaawcay 5 kale.
15/05/09 Daarasalam oo ka tirsan Ceelkari weerar lagu qaaday ciidan gumaysi oo halkaas ku sugnaa ayaa lagaga dilay 3 askari halka 3 kalana lagaga dhaawacay.
15/05/09 deegaanka Oon-dheere oo ka tirsan Abbaa-qoow dagaal
ku dhex maray ciidanka xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya
ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari waxaana laguagadhaawcay 2
kale .
Madaxweynaha Eratria oo si kulul u cambaareeyey howgalka midowga Africa ee soomaaliya.
Madaxweynaha dowlada
Eritrea Isaias Afwerki ayaa si kulul u canbaareeyay howgalka midowga
afrika ee soomaaliya,isagoo ku eedeeyey inaysan soomaaliya u joogin
nabad ilaalin.
Isaias
Afwerki ayaa sheegay in wadamada ay ka yimaadeen ciidamada AMISOM ee ku
sugan gudaha magaalada Muqdisho sida : Uganda iyo Burundi ay dhibaato
nabadgalyo darri ahi ka taagan tahay wadamadooda.
Madaxweyne Isaias ayaa ku sheegay
imaatinka ciidamada ka socda wadamada Uganda iyo Burundi in uu kaalmo u
ahaa ciidamadii Ethiopia ee Soomaaliya ku soo duulay Sanadkii 2006-tii
oo markaasi kaalmo Military ka helayay maamulkii dhacay ee wadanka
Mareykanka ee Bush.Isaias Afwerki waxaa uu sheegay in ciidamdaaasi
aaney aheyn kuwo u ogol dadka Soomaaliyeed in ay wada hadlaan oo ay
aayahooda ka tashadaan isla markaana iyagoo isbeheysi la ah Ethiopia ay
Soomaaliya joogaan.
Dhaqdhaqaaqa uruka Al-Shabaab oo yeeshay afhayeen cusub.
Dhaqdhaqaaqa
Ururka Al Shabaab ayaa shalay galabtii si rasmi ah ugu dhawaaqay
afhayeen cusub oo uu ururka al shabaab yeeshay kadib markuu afhayeenkii
hore ee ururkaasi Sheekh Mukhtraar Rooboow Cali Abuu mansuur xilkaasi
iska wareejiyey.
shir
jaraa’id oo ay sida wadajir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho sheikh
Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo afhayeenka cusub ee xilkaas qabtay
Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) ayaa sheikh Muqtaar Roobow Cali
waxaa uu ku sheegay in saacadaas laga bilaabo afhyaneeka rasmiga ah ee
ururka Al shabaab uu yahay Sheekh Cali Dheere
Sheekh
Muqtaar Roobow (Abuu mansuur) Afhayeenkii hore ee Ururka Al Shabaab
ayaa waxaa uu tilmaamay in mudo uu Afhayeen u ahaa xarakada Al Shabaab:
hadda wixii ka dambeena uu ugu bishaaraynayo shacabka Soomaaliyeed
Afhayeen cusub oo yeesho Ururka Al Shabaab waa Sheekh Cali Dheere.
“Waxaan
ugu Bishaaraynayaa Saxaafadda iyo Umadda Dhamaan Afhayeen cusub oo uu
yeelanayo Ururka Al Shabaab,waxaana ku faraxsanahay galabta in ay tahay
galabtii ugu dambeysay ee Aan Afhayeen ahay iyo walaalka oo galabkii
ugu horeeyay Afhayeen noqonaya”Ayuu yiri Sheekh Muqtaar Roobow Cali
Abuu Mansuur.
Afhayeenka Cusub ee Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa soo dhaweeyey xilkan cusub ee loo igmaday
Warar
la isla dhexmaryo ayaa sheegaya in Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu
Mansuur uu xilkan u wareejiyey khilaaf la sheegay in uu soo kala
dhexgalay isaga madaxda Al Shabaab ,hasa yeeshee Abuu Mansuur ayaa
tuhunkaas meesha ka saaray,wuxuuna ku tilmaamay hadalada noocaas ah kuwa ay baahinayaan dadka ka soo horjeeda Al Shabaab sida uu carabka ku dhiftay.
Wariyayaal kasoo laabtay Ogadenya oo ka warbixiyey waxay indhahooda kusoo arkeen.
Jaraaidka iyo wargaysyada caalamka ayaa usbuucii lasoo
dhaafay waxaa hadheeyey oo ay si aad ah wax uga qoreen qadiyada
ogadenya iyo halganka hubaysan ee loogu jiro xoreynta ogadenya.
Wariyayaasha wax
ka qoray ama ka hadlayay xaalada ogadenya ayaa isugu jiray kuwo bilihii
u udambeeyey ogadenya soo booqday iyo kuwo khubaro ku ah colaadaha
geeska afrika.
Wariyayaal
u kala dhashay Faransiis iyo Maraykan ayaa bilihii u dambeeyey dhex
mushaaxayay Ogadenya iyagoo ay hareero socdaan cutubyo ka tirsan
ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ,wariyayaashan ayaa u tagay
ogadenya inay soo taabtaan xaqiiqda dhabta ah ee kajirta ogadenya iyo
cududa milatari ee ciidanka xooga waxayna tageen ama la geyeyba
wariyayaashaas magaalooyin,tuulooyin,miyi iyo weliba qaar kamid ah
saldhigyada ciidanka qalabka sida halkaas oo ay kasoo uruuriyeen wixii
ay indhahooda kusoo arkeen.
AFRICA INTERNATIONAL : OGAADEENYA OO U DHAXEEYSA GOONI ISU TAAG IYO XASUUQ.
Wargeyska caalamiga ah ee la yidhaahdo AFRICA INTERNATIONAL bishiina mar kasoo baxa wadanka Fransiiska ayaa cadadkiisii soo baxay bishan
May 2009 wuxuu qoray isagoo soo xiganaya wariyayaashaas oo wargayskaas
wax kaqora maqaal uu cinwaankiisu sare ku xusan yahay. Ogaadeenya waxaa
ka taagan dagaal xornimo raadin ah oo u dhaxeeya ciidamada itoobiya iyo
mucaarad soomaalida Ogadenya ah. Sida Daarfuur oo kale, dowlada
itoobiya gabood fal iyo danbiyo dagaal oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah
ayeey Ogaadeenya ka geeysatay. Wariye madax banaan laguna magacaabo
Yannick Demoustier ayaa Ogaadeenya ka soo laabtay qoraalkana kaga
sheekeenaya wixii uu indhihiisu ku soo arkay.
Markay
ciidamada mucaaradku(ONLF) soo galaan tuulooyinka iyo meelaha la dagan
yahay si farxadi ku jirto ayaa loo soo dhaweeyaa. Waxaan arkay qoys
sideed ruux ka kooban oo waxay haystaan kaliya uu yahay waxoogaa adhi ah kuna hoyda labo aqal oo mundul
ah. Saboolnimo hoose ayaa gobalkan la hadhay. Waa goob uu dagaal ka
socdo in ka badan shan iyo toban sano. Is la markiiba hal arin ayaa
indhahaada ku soo dhacaya oo ah in wax rag ah aysan agagaarka
magaalooyinka joogin. Ciidamada itoobiya ayaa caruurtan aabahood laayay
bishii December ee sanadkii tagay 2008 ayeey igu tidhi haween haweenka
ka mid ah. Arintani waa mid aan in badan ka maqlay dadka Ogadenya degan
oo aan meelo kala duwan kula kulmay, haweenka iyo caruurta meel cidla
ah ayaa lagaga tagay. Ciidamada itoobiya waxey gobalka ka abuureen
xaalad argagax ah iyagoo laaya raga, arintani labadii sano ee ugu
danbeeyay ayey ciidamadu kor u qaadeen laynta raga.
Wariyayaalka,
heeyadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ahba looma ogola in eey
gobalka Ogadenya cagta dhigaan. Itoobiya Ogaadeenya weey ka jartay
dunida inteeda kale. sida kaliya ee lagu gali karo waa in aad habeeno
iyo habeeno badan guureeysaa, wadooyinka oo dhan in la maro ayey
itoobiya mamnuucday. Ma heeysano raashin ciidamada doowlada ayaa
xoolihii naga laayay, Xasan oo ah oday da’ah ayaa hadalkiisa intaa ku
soo koobay isagoo ku daray waxaa noo hadhay waxoogaa geel ah, beerihii
ayeey naga gubeen dawana ma haysano.
Dagmadan
dad sodomeeyo ka yar ayaa ku nool intii kale dhamaan naftooda ayeey ula
carareen dhulka buuraleeyda ah ama meel ka baxsan Ogaadeenya sida
Kenya, Jabouti ama meelo ka mid ah Soomaaliya. Bishii janaayo ee
sanadkan 2009 boqolaal askarta itoobiya ayaa dagmadan timid waxay
dileen dad kor u dhaafaya 250 ruux. 150 ka mid
waxeey ahaayeen haween iyo caruur. Meeydadka qaar lama aasin ,sababtoo
ah xubnaha qaar ayaa maqnaa, waxeey ciidanka itoobiya dadka u jarjareen
sida dhurwaa hilib kala boobaya oo kale. Iridaha xaafadaha qaarkood
quful ayay ku xidheen si ay shacabka ugu u dareensiiyaan inay goobta ka
qaxaan, Odeygan da’da ah ee goobjooga ahaa ayaa isagoo ilmeenaya
hadalkiisa intaa ku soo gabagabeeyay.
Umad aan itoobiyaan ahayn.
Shacabka
Ogaadeenya waa dad Soomaali ah diintooduna Islaam tahay. Jabhada
Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) waxaa la aasaasay 1984, una
halgameeysay kolkii ugu horeeysay xukun daakhili ah oo sax ah ka dibna
u weecatay xornimo raadin taam ah. Shakiga ah in aad JWXO taageersan
tahay waxeey si toos ah kuu galineeysaa xabsi halkaa oo uu jidh dilku
ka hayay shay caadi ah oo joogtana ah. Waa wixii ku dhacay Axmed kaasoo ku soo biiray ciidamada JWXO sandkii 2001 ka dib markuu ku soo qaatay afar sano oo xadhig ah xabsiyada itoobiya.
Anigoo
qarka u saran dhameeystirka waxbarasho magaalada Direrdhawe, ayeey i
qabteen iguna eedeeyeen in aan JWXO ahay weey igaraaceen ina jidh-
dileen mararka qaarkood koronto igu qabanayeen. Sababtan darted ayeey
dhalinyaro aad u tiro badan ugu soo biiraan jabhada. Itoobiya waxeey
isticmaashaa wax walbo oo dunida ka mamnuuc ah.
Geeska
ugu shisheeya magaalada Galaalshe, waxaad ku arkeeysaa dhagaxyo is dul
saaran muujinayana xabaalo wadareedyo kana makhraati kacaya xasuuqa
itoobiya ka geeysato Ogaadeenya. Qabri walba ugu yaraan 50 qof ayaa ku xabaalan ayuu
ii sheegay ruux deegaanka ah. In ka badan 1500 qof ayey halkan ku
dileen labadii bilood ee ugu danbeeysay. Bal eeg iskuulkii waxeey ka
soo reebeen gidaarkii kaliya, farmashigiina dhulka ayeey dhigeen ayuu
ruuxani hadalkiisa sii raaciyay isagoo xaafada biyo u soo doontay
cabsina u dheer tahay, sidoo kale dhacdooyinkan oo kale ayaa inta aan
Ogaadeenya ku guda jiray la ii la soo dhawaanayay.
Shan
askarta itoobiya ah ayaa i kufsatay ayeey ii sheegtay Farxiyo oo 19 jir
ah, wiil yar oo lix bil jir ah oo aan dhabarka ku sitay feedh ayuu
dhabarka kaga soo tuuray ka dibna dhagax maskaxda banaanka kaga keenay.
Galaalshe sida dagmooyin kale oo tiro badan waa cidla qaarkood waa la
gubay danbaskii ayaa weli ka qoyan.
Itoobiya
Mareykanka ayay saaxiib dhow ka dhigtay si waxa argagixisada loogu
yeedho ula dagaalamaan siiba Soomaaliya. weerarkii itoobiya ku qaaday
Soomaaliya waxey uga gol lahayd niyad jabinta JWXO. Dagaalka hubeeysan
ee Ogaadeenya wuxuu biloowday 1994 kolkaa oo ay JWXO ahayd urur
siyaasadeed maankana ku hayay xornimo u raadinta gobolkooda, itoobiyana
dil iyo khaarijin ku biloowday siyaasiyiin ree Ogaadeenya ah. Wuxuuse
cirka is ku shareeray weerarkii jabhadu ku qaaday ceelkii shidaalka
halkaasoo 74 lagu dilay 9 shiinees yihiin inta kalana itoobiyaan
yihiin. Itoobiya JWXO waxeey ku sheegtaa in eey argagixiso tahay
Midowga Yurub iyo Mareykankuse fikradaa ma qabaan si cad ayayna
itoobiya uga diideen.
Dagaalkayagu
wuxuu ku wajahan yahay Ogaadeenya oo kaliya sidaa waxaa yiri Faarax oo
ah taliyaha ciidan 2500 ka kooban aaga Jigjiga isagoo ciidii dhulkiisa
hooyo cantoobsaday. 2007dii John Holmes oo Qaramada Midoobay u
qaabilsan gargaarka ayaa xaqiijiyay in hal qof afartiiba dacdari ku
heeysato Ogaadeenya, xaaladu way ka sii dartay. Waa in dunidu ogaataa
waxa Melez halkan ka sameeynayo, waa in xasuuqa uu ninkani dadkayaga ku
hayo ogaataa Qaramada Midoobay kana hadashaa, waa in John Holmes soo
noqdaa ayuu Faaarax yiri.
Jaraa,idka Caalamka oo usbuucan aad wax uga qoray Ogadenya.
Wargayska la yidhaahdo The Christian science Monitor oo kasoo baxa wadanka South Africa ayaa waraysi dheer kala yeeshay suxufi
la yidhaahdo Pat Murphy oo kamid ah maamulayaasha wargayskan khabiirna
ku ah colaada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya
suxufigan ayaa colaadaha ka taagan geeska afrika saldhig uga dhigay qadiyada Ogadenya qaar kamid ah waraysigaa oo dheeraana waxaa kamid ahaa:
Jawaab
- Dhibaatadda labadan Wadan waxay bilaabatay markii gumaystayaashii ay
baxeen. Itoobiya mudo dheer oo dhawr qarni ah ayeey dawlad ahayd oo
iskeed isumaamuleysay. Soomaaliya ilaa iyo 60kii waxay ku jirtay
gumaysi. Jabuuti waxaa haystay France, Soamlilandna British iyo inta
hadhay oo Talyaniga ah.Markii dawladdahan ay bilaabeen in ay ka baxaan
Somaliya waxay jeexeen xuduud kaas ayaana keenay dhibaatada. Waxaa jira
dad soomali u dhashay oo hadda Itobiya ku nool iyo kuwo Soomali u
dhashay oo ku jira gudaha Kenya. Haddaba waxaa jira dad wadaniyiin
Somali ah oo raba in ay mideeyaan dhamaan Somalida oo ay ka dhigaan hal
wadan iyo hal calan taas ayaana keentay xiisada taagan.ee u dhaxaysa
Somaliya iyo Itoobiya maanta.
Su'aal
- Waxaad noo sheegtay in dad Soomali u dhashay ay ku nool yihiin gudaha
Itoobiya marka mawaxaad leedahay Itoobiya waxay ku fikiraysaa in uu u
noqdo xayndaab u dhaxeeya caasimada Adis-ababa iyo Soomaliya?
Jawaab
- Dabcan wuxuu u taagan yahay xayndaab. Waxaa jira Gobalka Ogaaden oo
uu ka socdo dagaal gudaha Itoobiya oo u dhexeeya dawlada Itoobiya iyo
dad u dhashay Somalida Ogaadeeniya oo lagu magacaabo JWXO mudaba waxaa
jiray xiisad . Dadka Soomalida ogaadeeiya waxay isu arkaan in ay ka
duwan yihiin Itoobiyada kale arintaasna waxaa ku taagersan qaar kamid
ah dadka kale ee dhanka Somaliya jira.
22 May 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM –
20:30 waqtiga
Publish Date: 5/22/2009
Last Updated: 5/22/2009
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | Muqdisho oo ay mar kale ka qarxeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya DKMG iyo xoogaga kasoo horjeeda. (RX)03/06/09... |  | Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaalada amniga ee Ogadenya. (RX) 20/05/09... |  | Wariyayaal kasoo laabtay Ogadenya oo ka warbixiyey waxay indhahooda kusoo arkeen. 22/05/09(RX)... |  | Xukuumada Itoobiya Oo biyo-xidheen Ka Samaynaysa Wabiga OMO iyo Khilaaf Ka Dhashay Arinkaas... |  | Wargayska The Post Chronicle Oo Saadaaliyay Burburka Ku Soo Fool Leh Itoobiya. (RX)... |  | Firxadkii Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Oo Lagu Laayey Meelo Kala Duwan (RX)... |  | Waraysi: Mas'uul Sare oo Ka Tirsan ONLF Ay La Yeelatay Idacada VOA-da Maraykanka Ee Washington... |  | Wararka Radio Xoriyo: Xasuuq ka dhacay deegaanka Gol-Libaax ee gobolka Jarar 13 February 2009... |  | Maraykanka oo lacag badan siinaya Itoobiya... (R X 09 January 2009). |  | JWXO/ONLF Oo U Digtay Sharikada Shidaalka Baarta Ee Patronas... |  | Wararki Radio Xoriyo: Maraykanka oo diiday inuu maxaabiis ku jidhdilay Itoobiya... |  | Wararka Radio Xoriyo ka baxay 14 october 2008; Itoobiya oo lagu eedeeyay inay qarinayso dhibaatada shacabka... |  | Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) Oo Maanta Xilkii Madaxweynenimada Dhulka Somalida Ogadeniya Laga xayuubiyey... |  | Ethiopia Starving Somalis in Ogaden... |  | Safiirka Maraykanka Oo Booqday Ogadeenya (Wararka Radio Xoriyo 16 September 2008)... |  | Have you ever heard of Ogaden? |  | Kacdoon ka jira Godey iyo dad badan oo xidhxidhan |  | Canadian in Ethiopian jail to get lawyer, envoy says. |  | Wararki Radio Xoriyo 29 July 2008. Mucaaradka Soomaaliya oo sii kala fogaaday... |  | Dood iyo Fikrado Ku Saabsan Dadkii Ka Soo Jeeday Ogaadeeniya Ee La Dhiibay (BBC Somali) |  | Shan Nin oo Somalida Kililka Shanaad ah oo laga bad-baadiyay u gacan gelinta Ethiopia. |  | Baaq Cambaarayn oo uu soo saaray Midowga Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee Yurub (MJOY |  | Wasiirka Warfaafinta DGPL, C/raxmaan Saalax (Bankax) oo sheegay raga loo dhiibay Itoobiya inay tahay arrin... |  | Qaramada Midoobay oo ka hadashay arrimaha Ogaadeenya |  | Ogaden Locals Allege Abuses by Soldiers |  | Ethiopia assures no Ogaden famine |  | OGADEN: A CRISIS WITH NO END IN SIGHT |  | Wararka Radio Xoriyo28/11/07... |  | Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay. (RX)... |  | Xaaladda Ogaadenya iyo aqalka Cad ee Maraykanka 2/10/07.... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 January 2007: Itoobiya iyo sharikada Petronas oo u heshiiyey baatroolka Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 January 2007: Weerarro lala beegsado ciidammada Itoobiya. |  | Wararkma Maanta: Dagaalo Goos Goos Ah Oo Ka Dhacay maanta Deegaano Ku Yaala Agagaarka Dhooblay. 04/Janaayo 2006... |  | Warraka Radio Xoriyo 02 January 2007: Dhagaxbuur: Ciidammada gumaysiga oo dadwaynaha ku gadooday... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 December 2006: Diyaarad laga soo riday ciidamada gumaysiga Ethiopia... |  | Wararka Radio Xoriyo 19 December 2006: Dawladaha Yemen iyo Suudan oo ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya... |  | Guddoomiyaha JWXO oo shir wayn kaga qayb galay magaalada London... |  | Wararka Radio Xoriyo 05 December 2006: Maxkamadaha iyo IGAD oo heshiis kala saxiixday... |  | Radio Xoriyo 28 November 2006: Sheekh Ibraahim Cabdalla oo shalay qadiyada geeska afrika ka hadlay... |  | Wararka Radio Xoriyo 21 November 2006: Meles Zenawi Oo Caydhiyay Taliyihii Ciidammada Cirka... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 November 2006: Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya. |  | Wararka Radio Xoriyo 07 November 2006: Ciidammo badan oo gumaysiga ka baxsaday... |  | Wararka Radio Xoriyo 20 October 2006: Itoobiya oo qiratay in ciidammo ka joogaan dalka Soomaaliya... |  | Wararka Radio Xoriyo 17 October 2006: Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeedhay dawlada Soomaaliya... |  | Wararka Radio Xoriyo 06 October 2006: Ciidammo Itoobiyaan ah oo Kenya lagu laayay... |  | Wararka Radio Xoriyo 03 October 2006: Danjire caan ah oo beeniyay in maxkamaduhu khatar ku yihiin Kenya... |  | Barnaamijkii Radio Xoriyo 29 September 2006: Khubaro ka digay in Soomaaliya ciidammo shisheeye loo diro... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 September 2006: Jaaliyada Ogaadeenya ee Sydney oo shir wayn isugu timid... |  | Wararka Radio Xoriyo 22 September 2006: *JWXO oo canbaaraysay afduub Ogaadeenya ka dhacay... |  | Wararkii Radio Xoriyo 19 September 2006: Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya. (2) Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid... |  | Wararka Radio Xoriyo 15 September 2006: *Petronas iyo Itoobiya oo isku khilaafsan shidaalka Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 12 September 2006: Shir Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay San Diego - 2- Maxkamadaha Soomaaliya oo mar kale diiday ciidamo shisheeye... |  | Wararka Radio Xoriyo 08 September 2006: Itoobiya oo lagu eedeeyay lunsashada cuntada gargaarka ah... |  | Ciidamadii Itoobiyaanka Oo Gobolka Mudug Dib Uga Gurtay iyo warar kale... |  | Wararkii Radio Xoriyo 05 September 2006: (1) Bayaan uu Hooggaanka Gaashaandhigga ee JWXO soo saaray... (2) Dad shacab ah ooy ciidammada gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay boobeen... (3) Unugta iyo ururka dhalinyarada Ogadenya ee Canada oo shir Toronto... |  | Barnaamijkii Radio Xoriyo 01 September 2006: (1) Ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya jooga shan arrimood xoogga saaraya... (2) Ciidammo ka soo goostay Itoobiya oo JWXO isu soo dhiibay... (3) Waraysi aan la yeelanay Siyaasiga Faarax Daahir |  | Wararka Radio Xoriyo 29 Aug 2006: (1) Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay. (2) Ciidamada Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii Cali Kunaay. (3) Go'aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay Ogaadeenya... |  | Wararka Radio Xoriyo 25 Aug 2006: Wiilal ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Miyiga Garigo'an... |  | Wararka Radio Xoriyo 22 Aug 2006: (1) Dad aad u fara badan oo xalay lagu xidh xidhey Magaalada Jigjiga. (2) Labo nin mid da'adiisa tahay 80 meeyo oo laga soo xidhay Tuulada Dhuurre. (3) Tuulada Qudhac Maydal oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Wiil... |  | Halkan Ka Daawo Sawirada Sanadguuradii 22aad Ee JWXO, Oo Lagu Qabtey Dalka Ingiriiska (London, UK)... |  | Wararka Radio Xoriyo 18 Aug 2006: Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea... |  | Wararka Radio Xoriyo 15 Aug 2006: Shirweynihii 10aad ee Jaaliyadaha Ogadenya oo guul ku dhamaaday Iyo Warar Goos-Goos ah... |  | Shirweynihii 10aad Ee Jaaliyadaha Ogadenya Oo Guul Ku Dhamaaday. (RX)... |  | BBC Somali Oo Wareysatey Gudoomiyaha ONLF Admiral. Mohamed Omar Osman... |  | Wararka Radio Xoriyo 11 Aug 2006: Ciidamo Ethiopian ah oo dad Somalia ah laayay... |  | Wararka Radio Xoriyo 08 Aug 2006: (1) Dad badan oo Diridhabo daad ku qaaday. (2) Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya oo la kala diray... |  | Wararka Radio Xoriyo, 01 August 2006: Kenya Oo Qabanaysa Kulan Degdeg Ah Oo Soomaaliya Ku Saabsan... |  | Wararka Radio Xoriyo 28 July 2006: Dagaal Khadhaadh oo ka dhacay duleedka Dhagaxbuur... |  | Madaxweyne Lugbuur Oo Sida La Sheegayo Ku Jira Maalmihiisi Ugu Danbeysay Ee Madaxweyne-nimada Dowlad Goboleedka Soomaalida Ogaadeeniya... |  | WAA BARYEY SACABO LAGUMA QARIN KARO. (Maqaal)... |  | Wararka Radio Xoriyo 25 July 2006: Kulan wayne ay Jaaliyadda Kanada qabatay... |  | Guddoomiyaha G. Shu. Ee M. Maxkamadaha Is. Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Dhulka 0gaadeeniya... |  | Wararka Radio Xoriyo 21 July 2006: Diyaarad Ciimadada Gumeysiga Itoobiya lagaga soo ridey Magaalada Gabagabo... |  | Wararka Radio Xoriyo 18 July 2006: Jabuuti oo ka mid noqotey wadamada ku yaboohaya in aan Soomaaliya loo dirin Ciidamo shisheeye... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 July 2006: Shirkii saraakiisha gumaysiga ee Q/daharre oo shalay dhamaaday... |  | Malaayiin Qof Oo Ku Nool Gobalka Ogaadeeniya Oo Ay Macluul Iyo Abaarro La Soo Deristay... |  | Wararkii Radio Xoriyo 11 July 2006: (1) Shir ay magaalada Sanca ku qabteen haweenka Ogaadeenya... |  | Radio Xoriyo 07 July 2006: (1) Saraakiisha ciidammada Itoobiya oo ku shirsan Qabridaharre. (2) Bayaan uu soo saaray guddiga fulinta ee Isbahaysiga AFD. (3) Shir ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Holland qabatay. (4) Bayaan Warfaafineed dagaalka Yoocaale. |  | Wararka Radio Xoriyo 04 July 2006: Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen... |  | Wararka Radio Xoriyo 30 Jun 2006: Banaanbax ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab-Kenya... |  | Sheekh Xasan Daahir Aweys, Oo Sheegay inay Qaddiyadda Dhulka 0gaadeeniya Tahay Arrin Aan Ka Go'i Karin Dhiigga Iyo Qalbiga Ummadda Sooamaliyeed... |  | Wararka Radio Xoriyo 27 Jun 2006: Qorshihii ciidan keenista ee dawlada Soomaaliya oo dib u dhacay... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 Jun 2006: (1) Heshiis dhexmaray maxakimta islamiga ah iyo dawlada ku meelgadhka ah... |  | Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Switzerland Ee Shalay Xarunta Qamada Midoobayna Lagu Hor Qabtay Iyadoo Shirkii Xaquuqul Insaanku Uu Ka Socdo... |  | Wararka Radio Xoriyo 20 Jun 2006: (1) Dagaal Gunagado ka dhacay oo gumaysiga lagu jabiyay. (2) Maxaakimta Soomaaliya oo Itoobiya u digay. |  | Ugaas Beleed Lagu Magacaabo Bade Bile Nuur Oo Lagu Caleema Saaray Deegaanka Galbeedka Godey iyo Qalaafe Ee Gobolka Ogaadeeniya... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 Jun 2006: (1) Bayaan ku saabsan Isbahaysigii AFD ee JWXO kamidka ahayd (Maqal). (2) Dagaal Quusiye loogu wanqalay oo Ceelwayne ka dhacay.. |  | Wararka Radio Xoriyo 13 Jun 2006: Jaaliyadda Ogadenya ee Koonfur Afrika oo shir isugu timid... |  | Wararka Radio Xoriyo 09 Jun 2006: (1) Arday lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur. (2) Faalo ku saabsan eraybixinta cusub ee gumaysiga(Is fashilin)Maqal... |  | Wararka Radio Xoriyo 06 Jun 2006: (1) Dagaallo cadowga lagu naafeeyay. (2) Dhibaatooyinka dadwyanaha loo gaystay... |  | Wararka Radio Xoriyo 02 Jun 2006: Waraysi Dhinacyo badan taabaya(Gudomiyaha JWXO Adm.Max,ed Cumar Cisman)... |  | Wararka Radio Xoriyo 30 May 2006: Gudoomiya JWXO oo ka warbixiyey xaalada milatari ee ciidanka gumaysiga Itoobiya... |  | Wararka Radio Xoriyo 26 May 2006: Ganacsatadii Ogadenya oo dagaalka loo diray & Bandow lagu soo rogay magaloyinka... |  | Wararka Radio Xoriyo 23 May 2006: Qabridaharre: Niman gumaysiga u adeega oo dadwyanaha u hanjabay... |  | Wararka Radio Xoriyo 19 May 2006: Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia oo shirar wadda... |  | Wararka Radio Xoriyo 16 May 2006: Ciidammadii Itoobiya oo dhaqdhaqaaqii joojiyay iyo amar Kililka la siiyay... |  | Shir Degdeg Ah Oo Ay Isugu Imaadeen Maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya Ee Switzerland... |  | Shir Balaadhan oo Sabtidii 13-05-06 ka dhacay Gobalada dhexe ee UK... |  | Shacabka Ogadeeniya Oo Ka Cabsi Qaba Xasuuq Kaga Imaada Ciidamad Ee Tigreega Maadama Ay Baryahan. (Jimce, 12 May, 2006)... |  | Dagaaladii Ugu Dambeeyey Ee U Dhexeeyey Ciidamada Dowlada Itoobiya Iyo Kuwa ONLF Oo Si Weyn Loogu Jabiyey Ciidamada Itoobiya. (Jimce - 12 May, 2006)... |  | Wararka Radio Xoriyo 12 May 2006: (1) Natiijada hawlgalkii millatari ee Itoobiya ka billowday Ogaadeenya... |  | Wararkii Radio Xoriyo 09 May 2006: (1) Shir ka dhacay magaalada Melbourne(Australia) oo aan ka waraysanay Khadar Aaden Cismaan. (2) Madaxdii mucaaradka Itoobiya oo denbiyo calculus lagu soo oogay.... |  | Shir Aad U Ballaadhan Oo Maanta Oo Sabti Ah illaa Caawa ka Socday Magalaada Melbourne Ee Dalka Australia Oo Si Haboon Usoo Gabagaboobay. (SWN - 2006)... |  | Wararka Radio Xoriyo 05 May 2006: (1) C/llaahi Yuusuf oo Maraykanka eedeeyay. (2) Ciidammada Itoobiya oo gabadh ku kufsaday Dhagaxbuur... |  | (SWN - Sabti, 06 May, 2006) Oday Dhaqameedyada Soomaalida Ogaadeeniya Ee Ay Soo Dirsatay Dowlada Itoobiya Oo Shir Ku Qabtay Galabnimadii Jimcaha, Magaalada Kobenheegan Ee Dalka Denmark... |  | Wararka Radio Xoriyo 04 April March 2006: (1) Dhirbaaxooyin ciidammada xoreyntu u gaysteen kuwa gumaysiga. (2) Xaalad colaadeed oo ka taagen Jaamacadaha Adis Aba... |  | Wararka Radio Xoriyo 31 March 2006: (1) Kongarayska Maraykanka oo Itoobiya weeraray... |  | Wararka Radio Xoriyo 28 March 2006. (1) Aqalo ay gubeen ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo dagaalo lagu naafeeyey wayaanaha.. |  | Maxaabiis Ogaadeeniya Ka Soo Jeeda Oo Shalay Xabsiga Hargaysa Laga Sii Daayay. (Lix maxbuus oo kale oo Soomaali ah oo xiligii kuwan la sii daynayey dhaawacantay ka dib risaas)... |  | Wararka Radio Xoriyo 24 March 2006: (1) Ciidammada Itoobiya oo dhacay alaabo malaayiin lagu qiimeeyay, (2) Kacdoon ka dhan ah xukumada Itoobiya oo ka dhacey Diridhaba |  | Wararka Radio Xoriyo 17 Maarso, 2006: (1) Waftigii JWXO oo la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark, (2) Odayaal Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo... |  | Wararka Radio Xoriyo 14 March 2006, (1) G/Kuxigeenka 1aad ee jwxo oo shir ku qabtay Denmark(Maqal), (2) Gabdho la kufsaday iyo dadwayne la xidhxidhay, (3) Guddoomiyaha oo dadwaynaha baaq u jeediyay... |  | G/xigeenka 1aad Ee JWXO Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Shirweyn Ku Qabtay Denmark... |  | Maqaal: Odayada Iyo Wejiga Labaad Ee Qorshe Sir Ah... |  | Ogaysiis-Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark....Shir Muhiim Ah: Waxaa Dhammaan Dadweynaha Soomaalida Ogaadeeniya Ee Deggen Wadanka Denmark Lagu Wargelinayaa In La Qaban Doono Shir Muhiim Ah Oo Uu Ka Soo Qayb Galayo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee JWXO-ONLF... |  | Maqaal Xiisa Leh Oo Xaqiiqada Taabanaya: Jawaab ku Socota Cali Cabdi Gurxan Maqaalka, QADIYADDA OGAADEENIYA MUDNAANTEEDA HALA SIIYO... |  | Wararka Radio Xoriyo: (1) Qaramada Midoobey oo aad uga daysrisay xaaladda Ogaadeenya, Guddoomiye ku xigeeAskar Itoobiyaan ah oo Soomaaliya soo galay...nka JWXO oo booqasho ku jooga Norway, QM: Eritereya iyo Itoobiya waa inay xadkooda calaamadeeyaan, |  | Magaalada Baarey Ee Gobolka Afdheer Oo Khad Telefoon Loo Sameeyey Markii Ugu Horaysay. +251-981 110 708... |  | Xaalada Nololeed Ee Maxaabiista U Dhalatay Soomaalida-Ogaadeeniya Ee Ku Xiran Xabsiyada Hargaysa Oo Laga Dayrinayo... |  | Maxbuus U Dhashay Ogaadeeniya Oo Xabsiga Hargaysa Ugu Geeriyooday Tacdiib Loogu Gaystay Xabsiga Intuu Ku Jiray, gaajana ay u wehelisay (Jirdil iyo Gaajo)... |  | Soomaalida Koonfur Afrika Oo Ku Hor Mudaaharaaday Xarunta Baarlamaanka Afrika Iyagoo Ka Cabanayey xadgudubyada Males Zinawi Kula Koco Dadka Ogadeniya Iyo Wakiila Ban-Afrika Ee Liibiya Oo La Hadlay dadkii... |  | Xasuuqii Naxariis Darada Ahaa Ee Shacabka Ku Dhaqan Q/Dahre Shalay Ay Ciidamada Itoobiyaanku U Geysteen iyo Tirada Halkaas Ay Ku Dileen, Iyo Sidoo kale Xaalada Magaaladu Sida Ay Hada Ku Sugan Tahay... |
|