Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 9 September 2010 0:25
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 Gabay: La Magac Baxay "HADIYAD" Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza)

Hindisaaga: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza)
Magaca Gabayga: Haddiyad
Habeentiriska: 23/4/2009
 
Deeqaay haldhaa baa tihiyo, dumar horyaalkiiye
Halkaraan waxaa tahay gabdhaha, heybad qurux dheere
Waxaa tahay halbeeg heer-sariyo, bilicda hoobaane
Hannaankiyo asluubtaad dhammaan, kaga horreysaaye.
 
Ku hubeysnid sharaftii haween, ugu habbooneyde
Tinta higilka heensaha dagtiyo, halawgu muuqaale
Inteey heerba-heer beegsataa, hirar la moodaaye
Cod haloosiyaad leedahoon, laabta hurineyne.
 
Dhagtu hadal-macaankaaga wey, u hambalyeeysaaye
Aduu kugu hadaaqaa wadnaha, haabtay rubaddiiye
Hammuun buu qalbigu kuu qabaa, hiirti dhalataaye
Heesaha waxaan kuu curshaa, goor dadku hurdaaye.
 
Halyeey Ina-Garaad baa tohoon, hoos u dhicin jeere
Waxaa tahay hillaac-nuurayaay, heykal-dahabeede
Adaa mudan wax hawraarta gabay, loo halceliyaaye
Deeqaay naftaan kuu hibeyn, kuu haddiyadeyne.
 
Huddooneey sidaan kuu jeclahay, kuugu qiray heese
Adiguna halkaan kaaga yaal, waa wax la hubaaye
Hadallada sarbeebtiyo murtidaad, hooga-dhilataaye
Aniguna horseedkii raggiyo, hawlkar baan ahay'e.
 
Hadh dharaar Hibooy jiif ma lada, Deeqahodaneeye
Habeenkina malaan kula hurdaa, hooda-badaneeye
Maanku heegaan weeyaan, aduu kuu hanweyn yahay-e
Hareeraha waxaan kaa dayaa, leyl habeensaday'e.
 
Hadaaftimo dartaa baan u tagi, Haada iyo Soole
Sarmaanyaan Habboon kuugu tumi, heello iyo jiibe
Haaraha Sanaag baan gacalo, kaaga dhigi hooy-e
Taallaan xubbii kuu hergalin, lama-hilmaamaane.
 
Harbooliyo Hargaantaan ku geyn, oon hunfi laheyne
Hoohoob bislaataad dhaxtagi, hawd caleen badane
Hambashiyo mankoo dheelayaad, Luul la hawlgaliye
Hindisaha kalgacalkaan markaa, heeso kuu tabin'e.
 
Haarcad iyo Hargeellaan ku bari, huunno quruxdoode
Haarweyn dalxiis waad u tagi, haraha Doolloode
Hadhuudhkii Godey bey indhuhu, ku hodmi doonaane
Hilka Wabi-Cillaan baad sidii, hogol ku daanshoone.
 
Hiloowgiyo daltabadaa ku deyn, heesha Dhagaxbuure
Harraadkuna Bullaaluu ku hari, halacsigiisiiye
Harar iyo Jigjigo waa dhulaad, ka haqabbeeshaaye
Hodan beynu nahay Gaaris waa, lamahuraantiiye.
 
Habsaneey Wajeer baad xornimo, hagac ku laafyoone
Madheeroo intuu ubax hambulay, heelba tahay heele
Higlihii Ijaaraad harsani, hoos qaboow badane
Hab-Qureeshileeyeey Nasrooy, kuu hormarayaaye.
 
Qof gobaa abaal hiiliyoon, abid halleyneyne
Haldoor dheeman luuleey, anaad iga heleysaaye
Hinaasaha haween baan dhammaan, had iyo jeer noole
Hiyi-caashaq oon gabadh la fura, waa ka habarteede.
 
Garaadyahay middaan heybiyee, aan helaa tahaye
Ma hungoobin barashadaan habnoo, hubanti weeyaane
Hanti weeya caashaqu markuu, heerkan marayaaye
Haakaalle Eebboow lib iyo, hanasho waa guure.


Abwaan: Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza)
ayaandhalad5@hotmail.com

Publish Date: 4/24/2009
Last Updated: 4/24/2009
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
Gabay: La Magac Baxay "HADIYAD" Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza)
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza) Hees lagacbaxday: BIIMO
Gabaygan la magacbaxay Dakaddii Kismaayood...
Geeraar (Gabay) la magac baxay
Magaca maansada: Kismaayo. Abwaanka: Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza). Taariikhda: 7/8/2003...
Gabay Lamagac Baxay XAQSOOR: Waxaa Tiriyey Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza) Taariikhda: 18/7/2006...
Gabayga: Absame. Taariikhda: 6, July, 2006. Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud Stanza.
Gabaygan la magacbaxay SHACABKA waxaa curiyey abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuuna soo baxay 22/6/2006.
Maansada: Birimo Ee Uu Curiyey Abwaan: Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza...
Gabayga La Magac Baxay
Maansada: Dhulka. Waxaa Curiyry Abwaanka: Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]. Taariikhda: 22/3/2006.
Gabay la Magac Baxay Asluub...
Gabay La Magac Baxay "DIFAAC" Oo Lagu Taageerayo Laguna Difaacayo Abwaanka Caanka Ah Ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Singub) Uuna Tiriyey Abwaan: M. C. D. (Stanza)
BIL RAMADAAN [GABAY DIINI AH]. Curiye, Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza].
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Celqooxle.com
Makhtal.org
Codkawaamo.com
Qaranimo.com
Somalibooks.org
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Qabridahare.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Somaligalbed.com
Somaliherald.com
Somalistate/Ogaden
Somalitribune.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Xaajo.com
Wargaysyada Afrika
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital