Taliska cwxo oo hambalyeeyey guulaga cwxo iyo
dagaalo lagu jabiyey
ciidanka gumaysiga Itoobiya.
Taliska sare ee cwxo ayaa halbalyo iyo bogaadin u diray
ciidanka qalabka sida ee wadaniga xoreynta ogadenya,taliska sare ayaa ugu
hambalyeey guulaha isdaba jooga ah iyo ciidanku kaga guulaysteen ciidamada
gumaysiga itoobiya iyo dabaqoodhiga.
Mar aan manta la
xidhiidhnay xarunta dhexe ee jwxo ee gudaha ogadenya ayuu wariyaha RX noo
sheegay in Xaaladda Guud ay Adagtahay oo ay tahay Xilli aad u kulul oo Kaliil
ah Dagaanka uu oomane ba`an yahay meelaha Qaarkood Ceelashana ay Woyanuhu in
badan oo kamida ooteen ,hasa yeeshee dagaaladii lagu wiiqayay gumaysiga
itoobiya ay sidoodii u socdaan, dagaaladii ugu dambeeyeyna waxay u kala dhaceen
sidan:
15/03/09 Huurale
oo ka tirsan gobolka Jarar ayay cwxo weerar ku qaadeen Kolanyo Baabuur tigrey
ah waxayna ku dileen 6 wayaane waxaana lagaga Dhaawacay 5 kale
22/03/09
Deegaanka Mula ee degmada Qabri-Yax ayay cwxo cashir lama ilaawaan ah ugu
dhigeen ciidamada gumaysiga iyo dabaqoodhi ay ku gabanayeen waxaana halkaas
lagaga Dilay 36 iyada oo laga Dhaawacay 40 kale
16/03/09 Ulaag oo
ka tirsan degmada Garbo weerar ay cwxo ku qaadeen Kolanyo Gawaadhi
woyaana ah oo jidka Maraysay waxaa lagaga Gubay 1 Uraal iyo Ciidankii
Saarraa oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 50 Ilaa 60 askari,
15/03/09 Degmada
Awaaare ee gobolka Jarar waxaa Ka baxsaday askari wayaane ah kadib Markii ay u adkaysan waayeen Cadaadiska Saraakiisha Tigrey-ga iyo Dagaalada joogtada ah ee
Ciidanka Jwxo,
15/ 03/09
Dharkaynleey oo ka tirsan gobolka Jarar ee wadanka Ogadenya dagaal ka dhacay ayaa ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari halka 6 kalana lagaga dhaawacay
Ciidamada qalabka
sida ee jwxo ayaa weerar mir ah ku qaaday xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Degmada Fiiq 21/03/09 Weerarkaas kadib ayay bandow kusoo rogeen Degmada Fiiq siaan
loo ogaanin khasaaraha balaadhan ee weerarkaas kasoo gaadhay,balse warar hoose ayaa sheegaya in khasaaruhu uu aad u baaxad weyn yahay.
Waxyeelooyin
kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.
21-/03/09
Karin-bil-cille oo ka tirsan gobolka Nogob Waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku jidh-dileen Maxamuud Muxumed Gaas.
18/03/09
Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay ku xidh xidheen Degmada Fiiq dad aad u badan oo ay kamid yihiin:
1-Xukun Cabdi Badal
2-Caydaruus Shariif
3-Khadar Cabdi Omaar
4-Axmed Cabdi Nuur
5-Hure Suldan Abaadir C/llaahi
6-Ibraahim Heebaan
7-iyo Cabdi Aw-Daahir
Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa 12/3/09 kufsi iyo dhac ugu gaystey deegaanka
Tantoomi ee degmada Dhagaxmadoow sadex gabdhood oo ay da`doodu u dhaxayso 15
ilaa 20 jirro, Gabdhahaas ayaa meesha ku haystay Meharado yar-yar
waxayna ciidamada gumaysigu ka qaateen gabdhahaas dhammaan wixii hanti ahaa ee
ay ka heleen dukaamadooda,kadibna kula kacay kufsi iyo faraxumayn ay u
dheerayd jidh-dil ba,an oo ay u gaysteen gabdhaas ,magacyada gabdhahaas ay
kufsadeen ciidamada gumaysigu ayayna suuragal ahayn inaan sheegno arimo la
xidhiidha amnigooda awgii.
16/03/09
Dagaanka wada-Hunguri ee gobolka Jarar waxay Ciidanka Kaba-jiidka ah ee
Woyaanuhu Ka boobeen kadib Qasheen 8 Neef oo adhiya oo ay lahaayeen Dad Rayid
ah
10/03/09
Deegaanka Tantoomi ee degmada Dhagaxmadow waxay ciidamada woyaanuhu
ku boobeen Haweenay la yidhaahdo Cibaado oo ay ka Qaateen 1000 Birr
isla Tantoomi-
Waxay 11 bishan Maarso Ku boobeen 30 adhiya oo ay kadibna Qasheen.
25/03/09ciidamada
gumaysiga Itoobiya waxay Ka ka Xaysteen 100 awr Magaalada Dhagaxmadow , waxaana
la sheegay in aan la Aqoon meel ay la tageen iyada oo ay dadkii Lahaa Awrtan oo
dhaan iyo Safar isugu jiray loo sheegay in aysan Su`aal ka keenin Xoolahooda
Haddii kale la layn doono,
24 ilaa 25 bishan
Maarso waxay ciidamada cabudhiska loo keenay ogadenya ka joojiyeen Biayaha
dad-waynaha Daggan Tuulooyinka, Galdiid, Garigo`an, Birqod, waxaana Tuulada
Birqod lagu amray in Qoys walba uu keeno Weelka uu biyaha ku Cabbo ama lacag u
dhiganta Taas oo aad iyo aad dadkii ugu adkaatay, hase yeeshe Qasab Noqotay in
ay yeelaan sidaas,
24/03/09Degmada
Dhagaxmadow ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen 4 Nin
oo shicib ah waxaana magaciisa ilaa hadda la Sheegay Maxamed Faarax Madigaan,
Golaha amaanka & Nabadgalyada Africa ayaa isku
raacay qaraar ku aadan in la badiyo tirada ciidamada Africanka ah ee joogta
dalka Soomaaliya, waxaana ay go'aankan ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Nicolas Bwakira oo ah wakiilka Midowga Africa qaabilsan xaalka Soomaaliya oo ka
hadlayay magaalada Addis Ababa
ayaa sheegay in ay wadayaan talaabooyinka ay kor ugu qaadayaan howlaha la
xiriira horumarinta amaanka ee dalka Soomaaliya.
Nicolas wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay codsi ku aadan badinta
ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ka heleen dawladda Faderaalka ee
Soomaaliya, ayna hada ku talo jiraan in ay ciidamo dheeraad ah geeyaan dalka
Soomaaliya.
Wakiilkan wuxuu diiday in uu sheego dalalka ay ka imaanayaan ciidamadan, balse
wuxuu sitoos ah uqiray in ay ciidamadaasi bilaha nagu soo aadan tagayaan gudaha
dalka Soomaaliya, ayagoo qeyb ka noqonaya howlgalka loogu magac daray AMISOM ee
ay ciidamo kooban hada ka wadaan magaalada Muqdisho.
Midowga Africa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidan aan ka badneyn 4000 Kun oo
askari, waxa ayna ka yimaadeen oo kaliya dalalka Ugandha & Burundi oo soo
gaaray Muqdisho, labadii sanno ee hore ee ay magaalada ku dagaalamayeen
ciidamada dawladda Soomaaliya, Itoobiya oo dhinac ah & Dhinacyada ka soo
horjeeday,walina waxaa muuqata in ay dagaaladaasi jiraan oo ay mararka qaarkood
ka dhacayaan gudaha & daafaha Muqdisho.