- Ballan malaha xabashidu oo tan iyo markii ay dalka qabsatay, marar badan ayey sheegtay in ay baxayso oo ay arinkaas go-aansatay. Mararka qaar waxa ay qabsatay laba wiig. Qofka ay ka hoos baxday ballan –furyada xabashida ee soo noqnoqotay, waxa la gudboon in aanay ka hoos bixin wararka Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) inooga sheegay kuwa gaalada ah ee dhinaca ballamada. Allaah wuxu leeyahay suuratu Tawbah ayaadda 8aad :
{ كيف وإن يظهروا عليكم لا يرقبوا فيكم إلاً ولا ذمة يرضونكم بأفواههم وتأبى قلوبهم وأكثرهم فاسقون }
”Bal ka warrama haddii ay idinka gacan-sarreeyaan, idiinma dhowrayaan qaraabanimo iyo ballantoona. Afkooda ayey idinka raalli gelin, quluubtooduna way diidaysaa, badankooduna waa faasiqiin” waa ayadda 8aad ee suuratu-tawbah.
Aayaddu waxa ay caddaynaysaa in aanay nimanku ballanka oofinahayn in alla inta ay gacanta sare leeyihiin.
2. Labada kooxood ee la sheegay in ay ku heshiiyeen bixitaanka ciidamada Itoobiya, -jirtoo aanay awoodba u lahayn go-aaan ka gaadhidda bixitaanka Itoobiya, oo taasi ay ka go-do uun itoobiyaanka- haddana heshiiskoodu waxa uu ahaa mid ay ku xidhanyihiin shuruudo aan suurtagal ahayn, manay suuragelin shuruudihii si heshiisku u suurtogalo. sida uu qorayo Qodobka 7aad(b); Bixitaanka ciiddanka Itoobiya waxa ay ku xidhan tahay in la helo ciidan ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan, markaasna ay dawladda ku meelgaarka ahi ka codsato Itoobiyaanka in ay u baxaan sidii ay markii horeba iyagu u go-aansadeen”
MAXAA LA GUDBOON URURKA ISBAHAYSIGA DIB U XORAYNTA GARABKA SH SHARIIF?
Walaalayaal haddii aynu ka soo qaadno in la idinku siray heshiiskan oo la idinku khiyaameeyey. Haddii aynu ka soo qaadno in aydaan gelin heshiisyo hoose. Haddii aynu qaadno in aad diinta, dadka iyo dalkaba daacad uga ahaydeen heshiiskan. Markaa waxa la idinka sugayaa in aad qaadataan tallaabada habboon ee markan oo kale la faray dadka muuminiinta ah in ay yeelaan. Haddii kale fartii la idinku godayey ayaa idinku sii godmaysa.
Haddii gaalo la dagaallansaa ay ballan-furyo samayso ama laga baqo in ay ballan-furyo soo wataan, wuxu alle muslimiinta faray in ay heshiiskii si cad uga baxaan oo dagaalka u soo laabtaan. Bal labadan aayadood ila dhuuxa. Wuxu Allaah yidhi:
( وإما تخافن من قوم خيانة فانبذ إليهم على سواء إن الله لا يحب الخائنين )
”Haddii aad ka cabsato in ay ku khiyaamaan qolo (ballan idinka dhexeeyey), ugu tuur (ballankooda) si cad, Ilaahay ma jeclo kuwa khaaimiinta ahe” waa suuratul-anfaal aayadda 58-aad.
Taasi waa haddiiba uu tuhun idinka galo in aanay daacad ka ahayn heshiiska. Haddiise ay toos ballan-furyo u sameeyaan (sida ay hadda yeeleen oo kale) wuxu Alle aayad kale ku yidhi:
{ وإن نكثوا أيمانهم من بعد عهدهم وطعنوا في دينكم فقاتلوا أئمة الكفر إنهم لا أيمان لهم لعلهم ينتهون }
” Haddiise ay buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib oo ay duraan diintiina, markaa la dagaallama madaxda gaalada waa wax aan ballan lahayne, si ay u joogsadaan” waa aayadda 12-aad suuratul-tawbah
Maxamed Xirsi Guuleed
Abdibashir@hotmail.com
2009-01-08