Televisionka wararka ee aadka looga daawado dalka mareykanka ee lagu magacaabo CNN ayaa soo xigatay in Professor magaciisa layiraahdo Igor Panarin oo 60 jir ah oo xubin ka ah wasaarada arrimaha dibada ee wadanka Russia inuu sheegay in mareykangu uu cagta la helay wadadii uu ku burburi lahaa. Professorka ayaa sheegay in warkan xaqiiqadiisa uu isagu gacanta ku hayo.
Professorka ayaa sabab ooga dhigaay burburka mareykanka musiibo daqaale oo mareykanka haatan haysato. Professorka wuxuu yiri “Daynta mareyanka lagu leeyahay ayaa waxay u korodhay sida biyaha badda ookale. Hada deynta mareykanka lagu leeyahay ayaa kor u dhaaftay $11 Trillion iyadoo rajo aan laga qabin in lasoo celiyo” Professorka ayaa wuxuu kaloo sheegay in 3 kamid ah 5ta bangi ee suuqa mareykanka ugu weynaa ay mar hore kaceen, 2da kalena ay qarka usaaranyihiin inay burburaan. Wuxuu yiri dadkii mareykanka shaqo la’aan baa ku dhacday, lacagihii bangigayada u yaalayna way ka qasaareen.
Professorka ayaa toban sano kahor arintan kasheegay shir caalami ah oo kadhacay Australia sanadkii 1998ka. wuxuu yiri markaa deynta mareykanka lagu leeyahay waxay mareysay $2 Trillion.
Professor Panarin ayaa sheegay in Maraykanka uu ukala qaybsami doono lix gobol oo kala ah; Pacific, South, Texas, Atlantic Coast, Central States, iyo Northern States. Iyadoo buu yiri stateka Alaskana Russia ay qaadandoonto. Kuwo Yurub ku biiro iyo kuwo Canada ku biiro iyo kuwo gooni u istaago ayay noqon doonaan.
Professorka wuxuu kaloo sheegay in Chinaha iyo Russia ay aduunka hogaanka u qaban doonaan.
Dowladda mareykanka ayaa iska indho tirayso warka Professor Panarin, hayeeshee idaacadaha mareykanka iyo jaraaidyada iyo siyaasiyiin badan ayaa iyagu hadal hayo oo u dhagraaricinhayo hadalkan soo yeeray maadaama uu ku salaysanyahay arrimo dhab ah.
Original source: cnn.com
Forwarded by Aamin Minneapolis, Minnesota
Publish Date: 1/6/2009
Last Updated: 2/15/2009
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|