Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 9 September 2010 0:30
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa!

CILMI-YAR WAA LAGU CADDIBMAA


Abwaan: Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza).

Dhawaan ayey aheyd markaan qoray maqaal aan xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaaliya siyaasaddeeda u hanqaltaagaya ku naqdiyey, uguna magacdaray "XARAKOOYINKA ISLAAMIGA IYO XAWAALADAHA SOOMAALIYEED" laguna faafiyey dhawr kamid ah mareegaha war-qabadka ee ay Soomaalidu maasho. Kaddibna wuxuu maqaalku fatihiyey ridda-celin aan u tooghayey iyo tawaawac ay igu soo tuureen dhallinyara u muuqda iney ka daahsoon tahay heykalka diineed iyo hamiga siyaasadeed ee ururada aan sheegnay ayaguna ku kala abtirsadaan.

Odhaah ay ilbaxnimada akadheemiyaddu cuskata ayaa oraneysa, "Inaan doodna inaan dagaalna ma aha, ee waa inaan dhabta isula daadagna." Sidan waxaan ka wadaa in lay naqdiya aad baan u soo dhaweynayaa, balse, waxaan la dhaygagay dheereynta xawaaraha dhallintan ka dhiidhiday dhambaalkeygi.

Mid ka mid ah raggi gaashaanka ku dhuftay gorfeynteydi laguna magac-aaba: Duceysane Sayid, waa sida weerarkiisa ku xusane, ayaa carrabbaabay hab-su'aaleed, inaan ka mid ahay kuwa ay gaaladu u carbisay minjaxaabinta Soomaaliya iyo ladagaallanka muddayiniinta - culimada! Wuxuuna tusaale isku-baheyn ah u soo qaatay Ururkii Ladagaallanka Argagixisada ee ay Maxaakiimtu Muqdisho ku maquuniyeen iyo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo waliba Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza). Wuxuuna dhiidhiyuhu ku celceliyey tuhunka ah in saddax-xagalka sare waxoogaa dhaqaale ah lagu gunneeyey! Walaalkan waxaa sheegay sow ma oga in beenta Alle xarrimay oo uu xoog u caayey ayna tahay xadgudub-diineed oo dhab ah? "Kala-baxba kitaab kuu ku yaallaa" waana lays-xisaabin.

Argagixisa Ladagaallankii lagaga adkaaday Soomaaliya, waxey ahaayeen qabqablayaashi dalka iyo dadkaba la-dagay daannadana gaarsiiyey; Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniyana waa dhaqdhaqaaq gobannimo-doon ah gaalana gayigooda kula guluftamaya; Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza) waa gabayaa iyo gorfeeye-siyaasadeed oo madaxbannaan; haddaba, aqristoow - akhristow ama akhrisatooy ma is-weydiisay waxa isku silsiladeeyey sare-kuxusanta aan seynsaabnay? Bal isweydii sirka ka dambeysa ee tuhunka ninka dayoobay.

Sababta isku-xidhay waa biseyl-la'aanta siyaasadeed ee Duceysane Sayid oon wax badan oo lagu sii eedeeya laheyn, waayoo, wuxuu ka mid yahay bulshada Soomaaliyeed een wali u gondadagin una garaadsan galladda iyo guulaha naqdiga ama faaf-reebka aqooneed, fahamkiisana wali kama soo gudbin gacan-haadiska gurracan. Naqdigu waa ififaalo akadheemiyeed, waana talo iyo tusaale ay bulshooyinka abaabulan adeegsadaan kana aflaxaan, kuna ititibiyaan aragtidooda - ahmiyadeed. Balse ninkan aan qarnigi 16-aad ka soo gudbin gagi uu ka bidhaansada iyo goob uu ka gala toonna garaadkiisu god iyo gogol uu ku gorfeeya ilaa iyo hadda uga furneyn.

Wuxuu Sayidku, waa Duceysane ninka magaciisa ku xardhaye, saadaaliyey in xaqu ka xoog badnaan doona baadilka asagoo diinta gabbaadsanaya. Sidan waxaa noo bayaamisay Diinta Mugga Weyn - Islaamka, anna marna Diinta ma qoonsanin inuu xaqu xoogeystana Rabbi Subxaanuhu Watacaalaa ayaan ka baryayaa, ciza wa sharaf iney Muslimiintu ku noolaadaanna Allaahu Jalla Wajalaaluhu ayaan weydiisaneynaa hadda iyo hadhowba, balse dalandalkan oo kale diinta marti marna ugu noqon meyna gefafka dhacayana gacmaha ku laaban meyna.

Abwaanka cimlaaqa iyo cabqariga ah, Cabdullaahi Macalim Axmed (Dhoodaan) oo Soomaalida ku dhalliilaya iney dhambaalkiisi suugaaneed ku hafteen, ayaa yidhi, "Runtii aan u dhakaabiyo, dadkaan dhaabadda u sheegay .... Dhabar dhabar haddey wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee ...." Xigashadan waxaan uga golleeyahay, inuu Duceysane kala garan waayey inaan diin ka hadlay iyo inaan naqdi xalaal ah soo bandhigay.

Diinta Islaamka waxey iga mudan tahay inaan nafteyda u hura difaaceeda iyo daryeelkeeda, sida ay qof kasta oo Alle iyo Ambiyada rumeeyey musuuliyaddan dusha uga saaran tahay, ayey anna ii saaran tahay. Waxaana walaalkey u sheegayaa inuu maqaalka dib u akhriya waa keygi horee, kaddibna "Hubsiino hal baa la siistaa", oo ah murti qaabab badan looga haqab-beeli kara cuskada. Waxaa kaloo iga xusuusin ah inuu kala garta aydhiyoolajiyadda siyaasadeed ee ururka uu ka tirsan yahay iyo afkaarta saxar-tiran ee Diinta nabadda iyo nimcada ku dhisan ee Islaamka.Mid kalana waa iga naseexo - talo, Sida xaddiiska Nabiga (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee) laga wariyey ku cad, waxaa dambi ah inaad qof Muslim ah uurka naceyb ugu haysa wax ka badan saddax maalmood. Waxaan ka wadaa hadduu walaalkey qoraalkeygi cuqdad ku dhaliyey inuu ka bogsooda kana noqda munaafuqnimada uu igu tuhmay een Alle ka magangalay xumaheeda islamarkaana mareegaha warqabadka si cad iigu naqdiya ileen xalaal maalin baa la quutaaye dhalliilaha uu ii hayana is-dultaaga.

Nin kale oo isna ka gadooday naqdiga, waa, Amiir Shariife, sida dhambaalkiisa ku dhababane, ayaa sheegay in culimada wax laga sheega iney dambi tahay. Su'aashu waxey tahay: ma wax khalad ah ayaan ka sheegay culimada sharafta leh ee Islaamka? Jawaabtu waa "MAY" waxaanse naqdiyey goldaloollo aan ugu baaqay iney ururada Islaamiyiinta ah dib u saxaan. Walaal "Waxaan Ilaahey aheynba ushu wey ka dhacdaa", waa maahmaah soomaaliyeed oo dhabti diini ah. Qalindaarashadan waxaan u gabbaadsanayaa iney jiraan khaladaad badan oo Ururada Islaamiga ah ka dhax-muuqda una baahan in loo kuurgala; haddaba, far-ku-fiiqidda gaabisyadan qalinkeyga cidna martu ugu noqon maayo waana xil bulshada hagiddeeda iga saaran had iyo goorba.

Nin kale oo mujaahid magaciisa ku soo gaabiyey ayaaba raggan sare oo dhan baradheereeyey iiguna hanjabay inuu mar iyo meel kasta oon ku suganahay igu iqtiyaali kara - igu dili kara. Wuxuu yidhi, "Calmaanigaagan caasiga ah haddaad deyn weyda diinta iyo Islaamka weerarka aad ku haysa, dhagta ayaan dhiigga kuu dareynaa. Sow mar un dalka kuma soo noqon doontid? Ma qurba-joognimaad qorsheysatay? Waxaan kugu iqtiyaali karnaa meel kasta ood joogta markaan doonna." Abaydinkan inuu falsafadda naqdi-siyaasadeed fahma goraygaa ka hadaafay.

Waa dhaygag iyo dhabannahayse qoormaan diinta iyo Islaamka weeraray? Sida aan ogsoonnahay diinta Islaamka waxey qabtaa in wax la hubsada; in qof Muslim ah wuxuu aheyn lagu sheegana waaba gef iyo gaboodfal diinta loo geystay. Wxuu Ii-hanjabuhu igu suntay erayga "CALMAANI" calmaaninimo iyo camal-sheydaanba Rabbiga cisada iyo sharafta leh baan ka magan-galay. Erayga "calmaani" macnihiisu waa diinla'aan. Qofka calmaaniga ah waa qofka aan diinba haysan. Allahayow maxaan jeclaan lahaa iney ayaamuhu na kulmiyaan si aan u wada doodna illeen anigu maba aaminsani caqliyadda dilka iyo cunfiga ka shidaalqaadatee, balse, niqaashka - doodda, iyo is-fahamka ayaa agteyda qiyaas iyo qiimo badan ka mudane. Waxaan mujaahid u sheegayaa in qalinka iyo qowlku ay qoriga ka mudan yihiin qoraalkeygana ay hanjabaaddiisa weydda ah marna cabsigelin karin. Waxaana aaminsanahay inaan maalin dhashay maalinna aan dhiman doona. goorta iyo goobta aan ku dhiman doona iyo sababtay geerideydana Abuuraha iyo Arsaaqaha noolaha iyo ma-noolaha ayaa gacanta ku haya adna tashi kuma lihid. Adiga iyo kuwa kula mid ka ahna waxaan idin leeyahay, "Cilmi-yar waa lagu caddibmaa."

Publish Date: 10/25/2008
Last Updated: 6/7/2009
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010...
DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)...
Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)...
BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE?
Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa!
Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)...
Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law
Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay
Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)...
Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)...
The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them
Somalis back ex-president in prize bid
Geeddi: Xataa Aniga, C/hi
Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT)
Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab...
Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf...
Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax...
Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf...
Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf...
Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga...
Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan...
Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)...
Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?...
Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)...
Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa
Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)...
Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)...
Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga.
Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare...
Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed
Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)...
Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda...
Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)...
BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ...
Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed...
Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist.
Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)...
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad...
Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab.
Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere...
Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda...
Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab.
Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal....
MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya...
Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab)
Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)...
Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)...
Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)...
Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel...
Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)...
Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)...
SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)...
Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay....
Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)...
Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)...
Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab)
Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)
Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)...
ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir...
Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)...
ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)...
Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare...
Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)...
(10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali...
(10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus...
MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba.
Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali...
Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir..
Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga...
Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah...
Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa...
MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]...
Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani...
Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle...
Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban...
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Celqooxle.com
Makhtal.org
Codkawaamo.com
Qaranimo.com
Somalibooks.org
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Qabridahare.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Somaligalbed.com
Somaliherald.com
Somalistate/Ogaden
Somalitribune.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Xaajo.com
Wargaysyada Afrika
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital