Qore: Cali Cabdalla Shukri. e-mail: Caliga1@hotmail.com
Dalkan India ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay wadamada ugu horreeya xaga IT-da (Information Technology super power), Taas oo soo bilaabatay horraantii sideetameeyadii ka dib markii ay yimaadeen shirkadaha caalamiga ah sida American Express, British Airways, GE iyo Swissair kuwaas oo ka furtay xafiisyo shaqo, India ayaa waxay noqotay xiligaas wixii ka dambeeyayba halka loogu jecelyahay Business Process Outsourcing (BPO), taas oo ah Shirkadaha oo shaqooyinkooda gaysta meel ay ka helayaan shaqaale jaban, shaqooyinkaas oo ay ka mid yihiin, Call Centers, Human Resource, Information Technology, Payroll iyo Accounting.
Somalida wadankan ku nool waxyaalaha ay bartaan waxaa ugu badan Kombuterrada ama Information Technology (IT) iyo Ganacsiga (Commerce), Magaalada ay Somalida ku badan yihiin ee Hyderabad ayaa waxay tahay magaalada labaad ee ugu fiican barashada maadooyinka la xiriira Kombuterada waxaana ka horreeya oo keliya magaalada Bangalore oo ah xarunta IT-da ee India.
Shirkadaha software-ka ee ugu waawayn kuna leh xarumaha magaalada Hyderabad iyo meel cirifkeeda ah oo la yiraahdo HITECH City ayaa waxaa ka mid ah Accenture, AppLabs, Infosys, Invensys, Microsoft, CSC, Oracle, Wipro, Kanbay, GE, iGate, ValueLabs, ADP, Dell, Deloitte, HSBC, SumTotal, Intergraph, Analog Devices, IBM, Keane,Satyam, Baan, Birlasoft, Cypress Semiconductors, InMage, SatNav Technologies, Tata Consultancy Services, Amazon iyo Google.
Waxbarashada Kumbiyuterrada ayaa kala leh noocyo kala duwan, Jaamacadaha ayaa waxa ay bixiyeen maadooyin kala duwan oo la xiriira Kumbuterrada qaybohooda Bachelor-ka iyo Master-kaba kuwaas oo inta ugu waawayn ay yihiin BCA (Bachelor of Computer Application), BIT ama BSc IT (Bachelor of Science in Information Technology).
Waxaa kale oo jira maadooyin badan oo iyana laga dhigto macadyo sare kuwaas oo badanaa siiya ardayda takhasus gaar ah ha ahaadaan System Administration (Windows, Linux, Solaris, UNIX), Security Administration, (Sun Certified Security Administrator SCSECA, Certified Windows Security Administrator, Certified UNIX Security Administrator) Database Administration (Oracle, Microsoft SQL Server, Sybase… etc), Computer Programming (.NET, Java…etc), Multimedia (Webdesign, 3D Animations….etc) iyo maadooyin kale.
Jaamacadaha ayaa inta badan waxay bixiyaan waxyaalahaas oo isku jira, marka ardayga ayaa waxa wanaagsan inuu mar kasta doorto takhasuskiisu waxa uu noqonayo, sida badan jaamacada Ardayga casharrada uu ka qaato maahan kuwo ku filan ee mar kasta waxa uu u baahan yahay casharro dheeraad ah inuu ka qaato macadyada ama macallimiin takhasus u leh maadada uu doonayo.
Maadooyinka Kumbuterrada ee laga qaato jaamacadaha qaybta Bachelorka waxaa lagu dhigtaa sannadkii 500$ ilaa 1000$, taas oo soconaysa 3-sano, qaybta Masters-ka ayaa iyadana waxaa lagu dhigtaa 500$ ilaa 2000$ sannadkii, taas oo soconaysa 2sano, iyadoo ay jiraan qaar 3 sano ah sida Master of Computer Application (MCA), Jaamacadaha ayaa kala duwan maadooyinka ay bixiyaan isla markaana qiimaha mid walba wuu ka duwan yahay jaamacada kale.
Sida badan ardayga marka uu gaaro sannadka ugu dambeeya ee jaamacada waxaa u wanaagsan inuu doorto maado uu ku samaynayo Takhasus taas oo ah maadada uu ku fiican yahay ee uu is leeyahay maadadaas ayaad heer fiican ka gaari kartaa.
Waxaa jira Shirkado caalami ah oo iyagana bixiya shahaadooyin (Certificates) kuwaas oo leh imtixaano u gaar ah shirkad walba, inta badan shirkadaha iyo shahaadooyinka ay bixiyaan ayaa waxa kamid ah, Microsoft (MCSA, MCSE, .NET) Oracle (OCA or OCP), Cisco (CCNA, CCNP, CCIE), Linux (RHCP), CompTia A+, SAP (SCP, SCA), Java (Sun Certified Java Programmer (SCJP) iyo kuwo kale.
Shahaadooyinkan ayaa ah kuwo caalami ah oo aduunka meel walba laga aqoonsan yahay, mar aan kula kulmay magaaladan Hyderabad nin la yiraahdo Ashraf oo Sudani ah kana yimid Sacuudiga magaalada Riyaad, ayaa wuxuu ii sheegay inuu wax ku soo bartay dalka Cyprus (Qubrus) kana soo qaatay shahaado Bachelor oo Kumbuterrada ah, wuxuuna magaaladan u yimid inuu dhigto maadada CCNA, Ashraf ayaa wuxuu aad u amaanayay shahaadooyinka laga qaato shiradaha waawayn, sida Microsoft, Cisco, Oracle, SAP iyo kuwo kaleba, isagoo sheegay inuu qofka ku dadaalo inuu helo Certficate-yada ay bixiyaan shirkadaha ee uu qoro imtixaanka Online-ka, taas oo uu sabab uga dhigay in wadanka uu ka yimid ee Sacudiga ay aad u danaynayaan qofkii wata shahaadooyinkaas Online-ka ah, laakiin ay mar walba dheeraad kuu tahay shahaadada jaamacada, Ashraf ayaa wuxuu intaa raaciyay inuu isaga oo wata shahaadadiisi jaamacada uu hadana doonayo inuu qoro imtixaankan si uu u kordhisto xirfadiisa iyo mushaarkiisa maadama qofkii wata shahaadada jaamacada iyo Certificate-ka ay bixiyaan shirkadaha uu helayo shaqo wanaagsan.
Maadooyinka ugu muhiimsan ee laga qaato macadyada khaaska ah ayaa waxaa ka mid ah SAP (Systems Applications and Products) taas oo ah shirkada aduunka ugu wayn ee soo saartay software-ka la xiriira ganacsiga (SAP the world's largest business software company)
SAP wuxuu leeyahay qaybo badan oo ay ka mid yihiin, CRM: Customer Relationship Management SD: Sales & Distribution, PP: Production Planning and Control, Qaybihiisa Financialka ahna waxay ka kooban yihiin, FI: Financial Accounting, CO: Controlling, IM: Investment Management, TR: Treasury EC: Enterprise Controlling. Waxa kale uu leeyahay qayb Human Resource (HR) waxaana ka mid ah, PM: Personnel Management, OM: Organizational Management, PA: Payroll Accounting, PD: Personnel Development, iyo qaybta Technical-ka oo ka kooban tahay ABAP, BASIS, BW (Business Warehousing).
Ciisadiin oo ka yimid Maraykanka iyo Cali oo ka yimid Canada ayaan iyagana kula kulmay magaaladan iyagoo ka dhiganaya maadadan SAP, Cali wuxuu ii sheegay inuu ka soo tagay Canada si uu u barto SAP qaybteeda la xiriirta financial-ka ee la yiraahdo FICO (Financial Accounting and Controlling) isagoo intaa raaciyay inay halkan ka qarash yar tahay kana sahlan tahay barashada maadadan, wuxuu sheegay Cali in marka uu noqdo uu jecel yahay inuu qoro imtixaanka Online-ka ah.
Waxaa kale oo jira macadyo bixiya Telecommunication-ka qaybta wireless sida uu ii sheegay Ciise oo ka yimid New Zealand, Ciise wuxuu dhamaystay cours-kaas oo socday mudo 3 ilaa 6 bilood, maadadaas oo uu sheegay in lagu dhigto ilaa ku dhowaad 1000$.
Cudurdaar: Waxaan aad uga xumahay inaan la soo daahay maqaaladan taxanaha ahaa sababo la xiriira anigoo safarro iyo imtixaano galay, waxaana aad ugu mahad naqayaa akhristayaashii ila soo xiriiray si gaar ah iyo si guudba igana codsaday inaan dhamaystiro qaybaha haray, aad ayaan u jecelahay hadii EEBE idmo inaan dhamaystiro qaybaha haray, anigoo aad u rajaynaaya inay noqon doonaan kuwo umada ay ka faa’iidaysato qaybna ka qaadata horumarka umada Somaaliyeed, Ilaahayna naga abaal mariyo wanaageeda.
La soco qaybta 5-aad…… Ganacsiga (Commerce) iyo Sharciga (Law)
Cali Cabdalla Shukri
Hyderabad. India
E-mail:Caliga1@hotmail.com
Publish Date: 10/11/2007
Last Updated: 5/9/2008
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010... |  | DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)... |  | Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)... |  | BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE? |  | Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa! |  | Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)... |  | Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law |  | Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay |  | Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)... |  | Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)... |  | The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them |  | Somalis back ex-president in prize bid |  | Geeddi: Xataa Aniga, C/hi |  | Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT) |  | Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab... |  | Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax... |  | Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga... |  | Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan... |  | Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)... |  | Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?... |  | Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)... |  | Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa |  | Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)... |  | Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)... |  | Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga. |  | Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare... |  | Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed |  | Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)... |  | Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda... |  | Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)... |  | BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ... |  | Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed... |  | Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist. |  | Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)... |  | Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad... |  | Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab. |  | Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere... |  | Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda... |  | Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab. |  | Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal.... |  | MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya... |  | Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab) |  | Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)... |  | Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)... |  | Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)... |  | Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel... |  | Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)... |  | Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)... |  | SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)... |  | Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay.... |  | Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)... |  | Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab) |  | Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab) |  | Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)... |  | ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir... |  | Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)... |  | ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare... |  | Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)... |  | (10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali... |  | (10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus... |  | MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba. |  | Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali... |  | Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir.. |  | Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga... |  | Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah... |  | Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa... |  | MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]... |  | Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani... |  | Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle... |  | Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban... |
|