Wiilkii aan soo Laaban...
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com Xamar, Diseembar 04, 2005
________________________________________ Ashahaadda iyo waan aqaan aayaddii Nebiye Ha yeeshee ilmada kaa dhacdiyo umalka guudkaaga In yar iiga sheeg waxaan rabaa in aan ogaadaaye (Cali-Makaadsade, Cali Xuseen Xersi. “Fiin.”) ________________________________________
FIIRO GAAR AH: Qoraalkan waxa laga soo xulay sheeko la yiraahdo “Dhaawgii Baabboow”. Qeybtaan waxa aan taallo ugu dhigi lahaa naf kasta oo Soomaaliyeed ee loo huray Xoreynta Dhulka Soomaali Weyn. Si kale na, waxa aan ku qiiragelin lahaa Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO). Soomaalidu ha noolaato!
*****
SIDDEED IYO LABAATAN sanadood kadib, ma jiro daljir dambe oo aan ugu yeeri karo Maaddeey Soomoow. War baas dhambaal waday ayaa la iiga keenay dhankii Somaliland. Baroordiiq soo daahday. Maarso 15, 1978, maalin weeye aan rabi lahaa in aan ogaalkayga ka tirtiro; ha yeeshee, aawadood dharaarahan uu isboobka sokeeye ka jiro Soomaaliya ayaan hadba dib u soo goconayaa. Maalinkaas isaga ahaa, diricii Horintii Danab ayaa ku ag geeriyooday Iriddihii Harar. Ciidan ka koobnaa 50.000 oo rag iyo haween ba lahaa ayuu ka mid ahaa; mar qura iyo weligeed ba, ciidan loogu talogalay in uu cagtamariyo maxaysatadii Yaityopya Nigusa Nagast Manguist (Imbaratooryada Itoobiya). Xooggii saddex bilood gudahood %90 dhulkii Soomaali Galbeed gacanta ku soo dhigay: soomajeesteyaashii u jirsaday Addis Ababa—fogaan ka yarayd—7 kiilomitir. Si guud ayuu xooggaas uga mid ahaa; si gaar ahaan na, maqaawiirtii Xeradii Ballidoogle; xiddigihii ka dhex tilmaannaan jiray ayuu ka mid ahaan jiray. Carbiskii cuslaa, iyo muddadii dheereyd ee uu tababarku u soconayay, waxa uu muujin jiray tayooyinka halyeeyada u gaarka ah; tayada laboontinimo ee ka soo duxda sameyska geesiyada. Dadkii isaga yiqiin ayaa qirsan in aan uu ahaan jirin, dhibaato kasta oo dhacda, isuroonta, iyo masuugga oo kale, kuwa walaalka intiisa kale ka nafjeclaysan jiray.
“Dhanka uu kaa jiro, rag baa kaa jira,” ayuu Gaaxnuug oran jiray.
Maalintii loo soo sheegay duullaankii lagu qaadi lahaa Itoobiya ayuu Maaddeey iigu yimid magaaladii Afgooye. Cabbaarkii uu dantii iigu yimid iiga warramayay ayay anigu na laabtu i sii rogmanaysay. Joogemaqane oo kale ayaan ku soo baxay. Sheekooyin hore ayaa markale dib ii soo booqday. Caku, dhaawacyada qaar, kuwa aan weli loo helin daawooyin lagu dhayaadeeyo. Caku, xusuusta baas oo la i horkeenay. Geesi qaran ayaa jiray, kaasoo horey uga soo qeybgalay Dagaalkii 1964, billad na lagu maamuusay; ogow se gadaashii dambe toogasho lagu garsooray. In aan dhacdadaas xun gocanayay na, ma ogi. Hal ayaan se kuu og ahay: Gocoshadu, waxa ay ku dhalataa dadka uu ciilku shiday; waa sida sifaarka cawska oo kale ee ka soo baxa dhulkii uu suudigii gubay.
Illeyn anigu is ma ogayn in aan booyayay; waxa aan ku soo baraarugay Maaddeey oo igu lahaa:
“Maxaa ku daaray ne? Mabba ogtihid miyaa, siin u dhimmanno leey in noola dhali bo?”
Waa ay adag tahay si aan u helo ereyo aan ku tibaaxo diracnimadiisii. In kasta uu ii la ekoonaa isla dablihii aan oqoon jiray; hadda na, waxa iiga muuqatay wejigiisa raynrayn layaab lahayd. Sidii in ay u soo gashay gallad uu waayo badan suganaayay, sitaahoo ay u rumowday riyo uu sannado badan ka dhursugayay ayuu farabaxsi dagaalka u ahaa. Labadiisa indhood sidii billadgeesi ayay u halalaclaynayeen.
Duhurradii, qadadii kabacdi, ayaan u kaxeeyay gurigii si uu reerkiisii u soo bariidiyo. Markii aan gaarnay degmadoodii, in yar na la isu sheegay xaalkii jiray, abbihiis waxa uu isla haddiiba u soo yeeray wadaaddo. Waqdhaacin ayaa la qalay. Quraan na la saa’r wiilkii. Dhowr makaraan na, wax na qoorta, qaar na gacmaha loogu kala xirxir; qaar na lagula tali’ in uu jeebabka ku kala gashado. Dadaal loo ma kala reeban. Maxaa yeelay Baabboow Iffiki, sixirrowgii ugu weynaa reer Afar-Waab-Dhoobooy ayaa haddana tacdaartii la keenay, kaasoo ereyo sixireed ku sabaaliyay laabtii reerka ee dhiillowsanayd:
“Koolbadii oo ku dhacdo Maaddeey korkiisa; war taaseeti, cimrigiisa eey bo dheereeyhee. Isimkiisa oo kalle ma dhinto, aka yaabin inaas dhinto.”
Falaanfullowgu kaaygii xumaa ayuu falxad lagu abshiro oo kale u rogay. Rajo, rajola’aan ayay dhaantay. Tuhunkii aan qabay se, calooshayda hoose ka ma aan uu suulin. Saadaasha sixirrowgu na i ma ayan qancin karin; iga ma na ayan saari karin shakigii aan hore u qabay. Runtii jirtay se waxa ahayd, iyada oo uu waqtigii hoosta naga soo galayay; maxaa yeelay, habeennimadii Saacadda Eber (00.00 Saac) in uu joogo Xeradii Ballidoogle ayuu ku ballansanaa. Hooyo iyo aabbe, labadoodu ba, ducooyin faro badan ayay wiikoodii intaas u marinayeen, illaayo intii aan ka soo ambabaxaynay Doonkaa-Daafeedow. Oohin ayay ooyayeen; oohin shibbanayd asii ay uun maqli karaysay laabtaydii kacsanayd. Sidii aan u sii waday na, markii aan gaarnay magaalada Wanle-Weyn ayuu igu yiri, “Inta ka naqo. Manii la noolaado, waa liis arki doonaa.” Kolkii uu gaarigii ka degay ayaan ka dabo degay. Inta aan bogaadiyay ayaan dhegta ugu sheegay, “Ilaah ayaan ka baryayaa in aan sheeggaaga la waayin.” Innaga oo saamjiid ahayn ayaan halkii ku kala dareernay. Fiidkaas ayaa iigu arag dambaysay, daljirkaas dahsoon, kii oo aan dib dambe ba u arko.
Sheekada Maaddeey wixii intaas ka dambeeyay, waxa aan ka bartay dhambaallo uu ii soo diri jiray Gaaxnuug Liibaan—dable ahaa reer Allaybaday, reer Somaliland—kaasoo ay rafiiq wada ahaan jireen, iyo sidii walaalo rumaad.
Hangarkii Ballidoogle waxa wax ka joogay Janankii ugu sarreeyay Militariga Soomaaliyeed, kaasoo Dooyadii Qaranka mid mid u wada gacanqaaday. Niyaddii ciidanka na, sidaas awgeed, cirka ayay sare u sii saloolatay. Darajooyinkii ugu korreeyay, iyo kuwii ugu hooseeyay ba, meesha wixii joogay oo idil, qiiro Soomaalinimo asii uu guulguul na ku milnaa ayaa wada saaqday. Cid walba na, walow aan uu tashigeedu ka ma marnayn waxa lamooggu uu qof wali kaydka ugu sii hayay; haddana, murugo meesha ka ma ayan muuqan; saa ciilka loo qabay gummeysiga Amxaarada ayaa ba isku daahay muuqeedii. Urkii ayaa isla goorihii ba is sii rogayay; hadba kedadii geerida ayaa intaas soo dhowaaneysay. Ciidan faro badan sow lagu ma gurin diyaarad loo adeegsan jiray in lagu daadgureeyo dalladleyda. Gaaxnuug waxa uu ii soo qoray, isaga iyo Maadeey in ay isku dabaxigeen kolkii sallaankii shibirta kor loo sii tafayay. Colkaas is watay waxa loo qaadayay in dusha lagaga qayo jiidaha Xabashida meel ka sii shisheysay; si ay u go’doomiyaan, saadka na uga jaraan ciidankii cadowga ee Saldhiggii Godeey fadhin jiray. Duullaankii na sidii loogu talogalay ayuu u fulay.
Guulihii na ma noqdeen, wax si isdabajoog ahayd isu soo dabaxigsaday. Cagtii ciidanka ma hadaaqbartay codkii qaranka: Hirarkii gaabgaabnaa ee Radiyo Muqdisho, iyagu na cirifyadii dunida, meel walba ba ma u tebiyeen. Ciidanka libintiisii, codadkii hooballada, iyo codkii weriyeyaashii, sow tii ay ku soo wada baxeen wax aan laga ba bogan karayn. Maalin kasta ba, waxa ay inoo ahayd furitanno horleh, farriimo horleh, guulo horleh, iyo falxado cusub. Viva’ Soomaaliya!
Horintii Danab—biriqda oo kale na heegadii uga timid Saldhiggii Godeey—danabbadii dusha uga hoobtay; Maaddeey ayaa ugu horreeyay. Waxa uu ku hanweynaa Galbeed oo xorowdo. Halgankaas oo guuleysto ayuu na jeclaa, kol ay ku ahayd, haddii uu naftiisa ku waayi lahaa. Yiddidiiladaas ayaa hammigiisa ku weynayd; waxa na uu rumaysnaa in ay rumoobi lahayd, jeer ay ahaato ba. Eebbe ayuu ka baryi jiray in uu ciribteeda ku simo. Intii aan uu shimbirtii dibadda uga boodin, dhoolcad oo ay kalsooni ku dheehnayd ayuu muujinayay; ka ma na ayan muuqan foolkiisa, ha ba yaraato ee wax baqdin ama ba jirniglayn ahayd. Shacaarkii kommaandooska ayuu ku qaadayay; sidii loo wada saarnaa diyaaradii na, waa lala jiibinayay. Habeenkaas wixii ka dambeeyay na, wax ay Xabashidu isku habaarto sow ma ay noqon: “Soomaali cillan, cirka kaaga soo dhac!”
Laga billaabo Godeey, lagu na geeyo agagaarkii Harar, saddex bilood ayuu si aan kalago’ lahayn u dirirayay. Buurihii, Marinkii Kaaramardha, waa tii la ogaa in ciidan kusheeggii Xabshida, baqo awgeed, ay ciriirigii isku buurteen. Maxeysatadii, koodii ugu sokeeyay, naflacaari awgii, waxa uu ka soo jeestay Harerge. Waageedii, Itoobiya iyada ayaa afkeeda ka qiratay in uu gacanteedii ka siibtay dhulkii Soomaalida ee loo oqoon jiray Ogaadeenya. Cataabkii Itoobiya goortii laga maqlayay adduunyada afarteedii waxyood, ma og tahay halka ay ku sugnayd Horintii Danab? Sow Maaddeey, goor galabgaabkii ahayd, doorbin kuma aan uu eegin magaaladii? Wax la filan waayo oo kale ayay ku noqotay in uu arki karayay quraanjadii ku dul abaabaysay gidaarradii Harar. Allaahu Akbar! Qiiro ayaa qaadday. Maaddeey waxa laga hayaa in uu ku fooryay heestii billadsharafle Seynab Xaaji Cali (Baxsan) ay Dagaalkii 1964 ku qiireysay Ciidankii Qaranka:
“Hurdada ka kacaay, hubkiinna gurtaay, hubkiinna gurtaay! Waa in aynu hellaa ama aan hoyannaa, ama aan hoyannaa!”
Cudur la is qaadsiiyo oo kale ayay noqotay; qof walba heestii ayuu horey ka qaaday. Habeenimadii, gudcur na uu daahiisii rogay, rag loo xulay in ay kamiin soo fuliyaan ayuu ka mid ahaa. Malaha shan saacadood ka bacdi ayay qaar uu isagu ka mid ahaa ku soo laabteen madashii. Iyaga oo idil, waxa la mooday in dhiig loogu soo qubeeyay; ha yeeshee, kood na xagatin soo ma ayan gaarin. Dharkooda waxa ku soo xarkagay waxa uu ahaa dhiig ka soo burqaday Amxaaro la dooxdooxay. Dhamaantood in ay meyrtaan, dharka na bedeshaan ayaa la faray; dabadeed na ay sii seexdaan intii ka harsanayd waaberigii Harar la qaban lahaa. Halkaas ayaa ugu dambayay meel dambe uu ka dagaallamo. Geesigii, Maaddeey Soomoow, waxa uu dhacay isaga oo aan weli gaarin afaafkii Harar. Halkaas weeye meesha ay weli ishaydu eegmada ku haysaa, ilamadu na ay weli uga dhacaysaa: Ma iyada oo aan Galbeed la xoreyn ayay naftaydu na guhaadda iyo gooha demin doontaa? Malaha ciilkaas gaboobay aniga oo la dhintay miyaan weligay hoggii na ka hoos barooran doonaa?
Bilo yar ka dib se, xiddiggii ayaa isdoorshay. Bulshada Caalamka sow Taliskii Gashaanle Mingistu Xayle Maryam u ma ayan soo hiillin? Ciidamo ka kala socday Yahuudda, USSR, Kuuba, Yementii Koofureed iyo Kuuriyada Waqooyi oo is wata sow cadowgeennii u ma ayan soo gurman? Libiya, dalkii Cumar Mukhtaar, iyadu na sow kol sii horeysay (May, 1977) hub uma ayan soo dirin gaal macatab xirnaa? Goortii ay kharaaraatay, Maarso 9, 1978, sow Muqdishu amar ku ma dhiibin Xoggii Dalka Soomaaliyeed in dib loo soo guro, lagu na soo celsho xad beenaadkii. Maadeey, hadda na, waa raggii yiri:
“Ku laaban mayo Ballidoogle, anigoon eedsiin nacabka yimid, maalintii ay hooyadii dhashay.”
Ciidankii weynaa ee dibugurtay, qaar ka mid ahaa, waxa uu hubkiisii ku jeediyay dowladdii Oktoobar; si ay uga jeebaan Jaalle Siyaad dakanooyin, malaha, iyaga qaarkood uu horey uga qabay. Fooxumooyinkii dhacay dabadeed, Cirro ayay madaxa ka soo saarayaan. Kacaankii waxa wiiqay isla hooggii uu isagu abuurtay. Ciidankii Qaranka ayaa billaabay in uu isdabargooyo; nacab aan weligii heshiin karayn na, la iskaga dhigay. Sidii goofafkii Xamar ee mowlumaalka laga dhici jiray, ayuu nin wali ba tawaan yari—degmooyin, iyo gobollo ka mid ahaa ciiddii qaranka—sheegtay in ay beeshiisu iska lahayd. Jabhadihii, SNM, SSDF, USC, iyo qaar kale oo weli hadoodilan, waxa ay u horseedeen ayaandarridii ugu weynayd ee weligeed ba ku dul habsata qarannimadii Soomaalida. Horintii Danab na, weli dagaal ayay ugu maqnayd qarankaas sii burburayay.
Maaddeey iyo cutubkiisii oo idil, iyada oo aan geeri ku wada tirinaayay, ayaan ninkii Gaaxnuug ahaa, beri dhow, warkiisii helay. Ururka Soohdinlaawe ee Xiriirinta Soomaalida (USXS) ayaa leh mahaddeeda. Dhambaalladii Gaaxnuug ii soo diray waxa ka mid ahaa midkaan hoose:
Hargeysa, Sabteembar 17, 2005 Walaal… … Maaddeey, dhufays buu uga jiray jiid hore; colyahan qodaa na uu isagu ugu horreeyay. Kolkii ay weerarradii ay soo bateen; fulay dib buu u soo gurtay… Halkii uu ka hagran lahaa kaalintiisii, wacadkii iyo dhaartii na uu raqdii uga kudi lahaa, waxa uu ka boorbiday isaga oo dhinta; saa darteedna, cadowgii qaranka uu dadkiisa iyo dalkiisa kaga badbaadiyo. Wiil buu ahaa ay qisadiisu, qabkiisu, iyo qabadkiisu ku dhaadan doonaan jiilasha iman doono… Naftihure, kommaandoos nool buu ahaa. Cirguduuddii waaberi, madfac ka mid ahaa riddooyin talantaalli u dhacayay oo ay soo ridaysay gaashaanbuurtii (dee waa Ruush Kabaweyne iyo eeyihii Kuuba ee i garo, isirkoodlacadaab) ayaa ugu galay uubtii. Oogtii na, dhiig ayay baallahii ku caseysay. Maaddeey, wax naf adadag buu ahaa; horey ka maanuu dhiman. Waarantiin dheer se u maanay hadhsanayn; kolleyse si weyn ayuu u jeclaa, gunaanadka kahor, bal inuu walaalka la dardaarmo. Walaal oo kale ayuu u aqoonsanaan jidhay cid kasta oo xubin ka ahaan jirtay Xooggii Dalka. Hooheey, ayaandarri weyneydee! Saddex erey kamay badan warkuu odhan kari lahaa ba. Sidii shacaarkii ayuun buu mar qudha la higgooday: “Allahayow ku nabadyeel!” Afkiisa erey dambe uu faro ayay ereyadaas ugu dambeyeen. Ducadaasi iyada ihina, igu walloonan garanaynin wax uu uga jeeday; calankii Soomaaliyeed inuu u naqayay bay se ila ahayd.
Toban sano xabsi ayaan ku jidhay. Dhowr sano oo kale na dagaal sokeeye ayaan ku jidhay. Haddii, Alle yidhaahdo waxan idin soo booqan sanadka 2006, horraantiisa. Reer Soomow in aan u tago aad bay iigu weyn tahay. Dhowr makaraan [qardhaas, xirsi] oo aan wiilkoodii ka soo furfuray ayaan u hayaa, iyo ficiis kale ba…
Maaddeey hooyadii iyo abbihii, Iisha Barakoow iyo Soomoow Xijiyoow, dhowr sano kahor ayaa la dilay. Mooryaan doonaysay beertoodii in ay boobaan ayaa noloshoodii u baasbaxday. Eeg, sida reer Soomoow beer dhowr jibaal ahayd (hal jibaal waa 16 m2 ) ay naftoodii ugu hureen; iyo sida Maadeey, madigoodii, uu naftiisii ugu huray Dhulkii Soomaali Weyn.
Shabeellada Hoose oo idil, dadku waxa ay isla dhexmaraan in goobo badan lagu arko cirfiidkii Maadeey. Meeshii kasta ee uu halgan Soomaaliyeed ka dhacayo na, kol ay ku tahay gudcurka damta ah ee habeennimo, sidii Cantar ibn Shaddaad, hummaagtiisii in ay ka soo dhex oogsanayso, la na maqlo isaga oo qaadaya shacaarkii Horintii Danab:
“Danaaaaab! Danaaaaab! Danaaaaab! Libin! Libin! Libin! Huh! Huh! Huuuuuh!”
Reer Dhoobooy badan ayaa rumeysan in aan uu dhiman; Maaddeey in aan uu u dhinteen sidii billadsharafle Salaad Gabeyre Kediye, geesigii la toogan jiray: haddii xitaa madaxa lagala dhici lahaa coup de grâce—koolbada naxariista. Waa runtood. Waayo halaygu ma dhinto. Geesiga birta ah, maanka iyo laabta dadkiisa ayuu weligii ku dhex noolaan. Baabbow ba waa uu inoo sarbeebay kolkii uu nagu lahaa: “Isimkiisa oo kalle ma dhinto.”
Nuuxoow Ulbatti, Guddoomiyaha ururka Burinta Aabikeenka iyo Boolimaalka Ummadda (BABU), isaga oo inoo sii sagootinayay halkii gaadhigu oollaa, ayuu aniga iyo Gaaxnuug Liibaan inoogu soo afjaray sheekadii Maaddeey Soomoow:
“Maaddeey, kahor iyo kadib geeridiisii, cadow kii shiisheeye iyo cadow kii sokeeye ba, waa geesi ay ka wada fiigaan sheeggiisa.”
“Waa dhaawgii Baabboow,” ayaan anna iri.
Gaaxnuug oo damcay in u dardaaran yar u reebo Guddoomiyihii Shabeellada Hoose ayaa yidhi, “Weligaa, Ulbattoow, ha moogaan. Taariikhdeenna haatan la madoobeeyay, marna ba, ma madoobeyn kari doonto jiritaanka Soomaali Weyn. Ha u halgamin gobol qudha in aad dagaalooge ka xoreysid. U dirir in aad Soomaali Weyn oo dhan Tigree ka xoreysid. Maaddeey Soomoow, iyo malaayiintii naftoodii u huray Soomaali Weyn na: ha ka yeelin sitaahoo ay u dhinteen ujeeddola’aan? Sitaahoo ay ahaayeen mooryaan, jirri, ama dayday oo kale!”
. . .
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com Xamar, Diseembar 04, 2005
Publish Date: 1/24/2007
Last Updated: 5/12/2007
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010... |  | DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)... |  | Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)... |  | BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE? |  | Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa! |  | Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)... |  | Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law |  | Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay |  | Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)... |  | Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)... |  | The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them |  | Somalis back ex-president in prize bid |  | Geeddi: Xataa Aniga, C/hi |  | Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT) |  | Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab... |  | Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax... |  | Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga... |  | Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan... |  | Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)... |  | Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?... |  | Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)... |  | Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa |  | Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)... |  | Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)... |  | Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga. |  | Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare... |  | Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed |  | Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)... |  | Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda... |  | Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)... |  | BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ... |  | Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed... |  | Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist. |  | Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)... |  | Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad... |  | Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab. |  | Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere... |  | Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda... |  | Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab. |  | Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal.... |  | MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya... |  | Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab) |  | Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)... |  | Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)... |  | Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)... |  | Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel... |  | Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)... |  | Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)... |  | SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)... |  | Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay.... |  | Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)... |  | Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab) |  | Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab) |  | Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)... |  | ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir... |  | Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)... |  | ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare... |  | Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)... |  | (10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali... |  | (10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus... |  | MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba. |  | Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali... |  | Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir.. |  | Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga... |  | Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah... |  | Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa... |  | MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]... |  | Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani... |  | Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle... |  | Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban... |
|