Qoloba Calalkoodu waa Cayn...
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Xamar, Dismeembar 28, 2006
Waa lay gaadayaa nacab lay gagabin
Gumeystuhu anuu i gabraarsadoo
gaadiid sidii guudka iiga raray:
Geeriyo magli'i anigaa ku go'ay,
anigaa ku go'ay;
geeriyo magli'i anigaa ku go'ay!
(Walaalo Hargeyso: Hees ka ahayd Ruwayaddii “Indhasarcaad?”)
________________________________________
BERI HORE sheeko ku saabsan midowgii waqooyiga, iyo koofurta ayaa jirtay. Nin reer Hargeysa ahaa ayay qiiro ka soo ridday magaalada Xamar; si uu uga qeybqaato dabbaaldeggii loo dhigi lahaa midnimada Hargeyso, iyo Muqdisho (gaar ahaan na 1dii Luulyo). Meel ayuu taagnaa magaalada bartamaheeda ahayd: Afar-Irdoodka ayaa la oran jiray meesha iyada ihi. Waa meel isgoys ahayd--taas oo ay laba waddo iskaga tallaabaan. Meeshu meel aad u hawshoon ayay ahayd, runtii. Ninkii reer Hargeysa ayaa waxa soo agmaray nin reer Xamar ahaa. Nin kale, reer Xamar kale, ayaa waxa uu u soo ciyay wadaaygiis, kii agmaraayay ninkii reer Hargeysa.
“Kud ha ku dilee! Ar Calasoobow soo kud! Dameerkii tengihiyow daadshee!”
Calasoow oo damcay in uu cagaha raro ayaa waxa garabka ka laacay nin gashan shaar bafto ah, koodh, garawwati, hoosgunti illaayo laawga daldalan, iskaalshooyin dheedheer oo gaaraya teeryo xaglaha, kabo kooyo ah iyo cimaamad u saarnaa garabka bidixeed. Ninka reer Xamar na waxa uu xidhnaa surwaaldabagaab adduun badan soo arkay, suun weyn oo maqaar ah oo dhexda ugu dhuuqsan, kiish uu lacagta ku shubto, gỏ madow oo bambiiro ahaa uga daldalanaa laga billaabo guntiga lagu na geeyo jilbaha, kabo la oran jiray quaterobururuf (aan u maleynaayo in ereygu ka soo jeedo ereyga Ingiriisi ah ee waterproof). Midkood ba waxa ka kale xidhanaa ayuu la yaabbanaa. Ninkii reer Hargeysa ayaa hadalkii ku degdegay:
“Ma Calasow baa lagu yidhaahdaa?”
“Haah. Ee Ninyohobow, ad hadda Soomaali maa tahay?”
“Dee Soomaali-Jeceyl waa waxa Sigistigii bartaa i taagey ee miyaan moodayay cid Soomaali ah in loogu yeedho magac-jinnigaayoo kale!”
Reer Xamarkii indhaa ka soo herey; kis dhelleh na wuu cadhooday. Calasow oo abur afka ka sii deynayo ayaa ku yidhi ninkii doolka ahaa:
“Adna hee xaa lagu dhahaa?”
“Dee ina adeer Kaahin baa la i yidhaadaa!”
Ereyga kaahin afka reer Xamarka waxa uu u dhigmaa faalallow, sixiroole. Calasow sidii libaax reemaya oo kale ayuu feeraha ka qosolay. Kor ayuu u boodbooday sidii nin tacdaar ka shirbaya, cagaha na laamigii kula dul rabbootiyay; meeshii na boodh kaga duuliyay. Dabadeed na--lug illan shaag baabuur inta uu sare ugu taagay--ninkii Kaahin ahaa ku yiri:
“Kir! Kir! Nacaleey yaa kugu taal! Nabee waa adduunyo gaddoon: minii Kaahin oow Calassoooooooooow ku qoslaayo!” ;- )
Calasow isaga oo wax xoogaa ah nafisay, isu na haysto in uu ka libhelay ninkii Kaahin ahaa ayuu ka dabo roorary dameerkii reeryadii xooray. Kaahin na cadho ayuu halkii kala dhaqaaqay. Gaadhi ISUZU ahaa ayuu gurada uga dhacay. Dib dambe na u ma soo jalleecin magaaladii Xamar ahayd. Sida la sheegay na waa ba uu ka matagi jiray goorta la soo hadalqaado magaca caasimaddii qaranka.
Koox ka timid Hargeysa, isla beryahaas, ayaa ruwaayad ka dhigtay meeshii la oran jiray Teatro Dune, Muqdisho--masrax furan oo ku dhex oollaan jiray Ex-Fiera della Somalia ee waagii Taliskii Siyaad Barre na la dejiyay Hooyadii Fanka, Kooxdii Waaberi. Hadda u geli maayo waxa ay ku saabsaneyd ruwaayaddaas qiimaha badneyd. Hees la qaaday dabayaaqadii ruwaayadda ayaa se ah mid xusuusteedu ay weli si aad ah iigu weyn tahay. Ma sheegi karo ciddii curisay; hoballadii heesta qaaday ayaa se waxa ka mid ahaa Cabdullaahi Qarshe (aun), Maandeeq, Maxamed Yuusuf, Cumar Dhuule, qaar kale … Mirihii heestaas waxa ka mid ahaa hawraarta hoose:
Wallee ama calan jidhyoo yee canab baad ahaan
Ama calal maryaha la caynaad ahaan oo ciidhsi weydee.
Cirkoon-caad-lahaynow Alle-lala-Cuskayow:
Ceedhiin iyo Bisayl miduun ku caano maal
Ceedhiin iyo Bisayl miduun ku caano maal
Ee ku calool-adayg: cirkoon-Caad-Lahaynow!
Isla beryahaas waxa ka soo wareegay 45 sano. Soddon sano iyo dheeraad ayay igu qaadatay in aan garto sarbeebta heesta lagu dhigaaliyay. Haatan se, geddii uurkubaallaha oo kale ayaan runta u og ahay. Maanta, Soomaalidii Cabdillaahi Qarshe--ilmo Calasoow, iyo ilmo Kaahin--qolo ba calankeedu waa cayn"!
.
.
.
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Xamar, Dismeembar 28, 2006
Publish Date: 1/18/2007
Last Updated: 5/12/2007
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010... |  | DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)... |  | Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)... |  | BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE? |  | Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa! |  | Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)... |  | Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law |  | Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay |  | Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)... |  | Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)... |  | The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them |  | Somalis back ex-president in prize bid |  | Geeddi: Xataa Aniga, C/hi |  | Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT) |  | Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab... |  | Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax... |  | Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga... |  | Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan... |  | Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)... |  | Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?... |  | Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)... |  | Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa |  | Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)... |  | Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)... |  | Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga. |  | Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare... |  | Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed |  | Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)... |  | Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda... |  | Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)... |  | BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ... |  | Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed... |  | Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist. |  | Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)... |  | Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad... |  | Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab. |  | Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere... |  | Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda... |  | Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab. |  | Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal.... |  | MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya... |  | Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab) |  | Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)... |  | Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)... |  | Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)... |  | Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel... |  | Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)... |  | Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)... |  | SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)... |  | Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay.... |  | Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)... |  | Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab) |  | Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab) |  | Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)... |  | ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir... |  | Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)... |  | ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare... |  | Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)... |  | (10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali... |  | (10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus... |  | MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba. |  | Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali... |  | Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir.. |  | Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga... |  | Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah... |  | Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa... |  | MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]... |  | Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani... |  | Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle... |  | Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban... |
|